4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Ra'iisul wasaare Saacid, Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka qayb-galay Aaska Xildhibaan Faysal (SAWIRRO)


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Warsame Faysal oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Somalia oo maanta lagu aasay gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisana ay ka qayb-galeen ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya ee Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xildhibaanno uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan  xukuumadda.

Ra’iisul wasaare Saacid oo hadallo ka jeediyay aaska ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay dhibaatooyinka lagu hayo mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dilkan.

“Innaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun, xildhibaan Feysal Warsame wuxuu ahaa nin geesi ah, waddani ah, xaqa iyo xaq-darradana u kala saaran tahay, weligiis wuxuu qabo ka leexan, si cad ayuuna u sheegi jiray, wuxuu ka mid ahaa dadka ay Soomaaliya maanta u baahan  tahay, Alle ha u naxariisto,”  ayuu u yiri ra’iisul wasaare Saacid si tiiraanyo ay ka muuqato. Isagoo xusay inay dishay gacan ka xaq-daran.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale yiri: “Wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horreyn, dabcana uguma dambeyn doono. Shacabkana waxaan u sheegayaa in Feysal uusan dhiman, waa noolyahay, waana in laga daydaa sidii uu runta u sheegi jiray.”

Ugu dabmeyn, Saacid ayaa tacsi u diray guddoonka baarlamaanka Somalia, mudanayaasha, qoyskii, carruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanno iyo wasiirro ka hadlay aaska xildhibaanka ayaa iyaguna sheegay inay aad uga xun yihiin dilka xildhibaanka, waxayna sheegeen inay dishay gacan ka gar-daran haya'daha ammaankana looga baahan yahay inay baariaanno ku sameeyaan dilkiisa ayna soo qabtaan kuwii ka dambeeyay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale, booqday xildhibaanad ku dhaawacantay qaraxii maanta uu ku dhintay xildhibaan Faysal oo lagu daweynayo Isbitaalka Madiine ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Feysal oo ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay qarax loogu xiray gaari uu watay, iyadoo ku qaraxday xilli uu marayay afaafka hore ee madaxtooyada, waxaana sidoo kale qaraxaas ku dhaawacntay xildhibaanad hore oo gaariga la saarnayd.

Ma ahan xildhibaankii ugu horreeyay oo Muqdisho lagu dilo, iyadoo aaskii qaran ee loo sameeyay xildhibaanka ay ka qaybgaleen xildhibaanno iyo qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya