4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Qarax ay ku Naf-waayeen Afar qof ayna ku dhaawacmeen 25-qof oo Caawa ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya


Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay 25-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib qarax caawa fiidkii ka dhacay gudaha bas ka mid ah kuwa dadweynaha oo marayay meel ku dhow saldhigga booliiska Pangani ee magaalada Nairobi.

Baska (Matatu) oo ay saarnaayeen 32-qof ayuu qaraxu haleeyay iyadoo la sheegay in walaxda qaraxday loo maleynayo inay baska saarnay, waxaana la sheegay in baska uu ka yimid Islii uuna ku socday bartamaha magaalada.

Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in 20-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Nairobi, iyadoo dadkii ku dhintay la sheegay in loo qaaday guryahooda.

“Qaraxu wuxuu waxyeello xooggan u geystay gaarigii baska ahaa (Matatu), sidoo kalena wuxuu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan gaari oo kale oo jidka marayay,” ayuu yiri taliyaha booliiska Kenya, Benson Kibue.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Dadkii dhaawacmay waxyeello xooggan ayaa gaartay; waxaa laga yaabaa in dhimashadu ay intan sare uga kacdo, maadaama dhaawacyada qaar ka mid ah ay halis yihiin.”

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen qaybo ka mid ah jirka bani'aadamka oo waddada daadsan iyo dhiig fara badan oo goobta baska agagaarkiisa daadcsan. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow saldhig booliis Pangani oo u dhexeeya Islii iyo faras-magaalaha Nairobi.

Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ku jirtay haweeney, iyadoo dadka uu khasaaraha kasoo gaaray qaraxan ay ahaayeen intooda badan rag, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo xalay ay ka dhaceen magaalada Wajeer uu ku dhintay hal qof, shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Benson Kibue ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeyso Al-shabaab, balse ma jiro hadal weli kasoo baxay kooxdan. Isagoo intaas ku daray in dadka ku dhintay qaraxan uu ku jiro qof looga shakisan yahay inuu walaxda qaraxa sameysay watay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya