4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Dagaallo u dhexeeya Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia oo hab beeleed u abaabulan oo ka Qarxay Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hab beeleed u abaabulan ayaa saakay ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkan ayaa daba socda dagaallo horay uga dhacay gobolkaas.

Dagaalkan oo shalay billowday ayaa mar kale saakay dib u qarxay, isagoo ka socda deegaanno ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellad Hoose, waxaana wararka deegaannadaas laga helayo ay sheegayaan inay ciidamadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

“Shalay ayuu dagaalku billowday, saakay dib ayuu u qarxay, inta aan og-nahay waxaan dhintay lix qof, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen, dagaalkuna waa mid si xoog badan u socda,” ayuu yiri gudodomiyaha degmada Awdheegle, Maxamed Abuukar Aweys oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid nasiib-darro ah isla markaana qayb ka ah dagaallo kusoo laalaabtay gobolka, iyadoo inta badan ay dhexmaraan dagaalladan ciidammo kawada tirsan dowladda oo hab qabiil u abaabulan.

“Dagaalku wuxuu si xooggan uga socdaan tuulooyinka Gumeysi-diid iyo Ibutey oo kawada tirsan degmada Awdheegle, dadkii tuulooyinkaas ku sugnaa way ka carareen,” ayuu guddoomiyaha degmada Awdheegle ku daray hadalkiisa.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose ayaa hurinta colaadda ku eedeeyay maamullada degmooyinka Afgooye iyo Marko oo kawada tirsan gobolka Shabeellada hoose, balse ma jirto hadal kasoo baxay mas’uuliyiinta labadan degmo.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose dagaallo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo u abaabulan hab beeleed, inkastoo heshiisyo laga gaaray, haddana dhowr jeer ayay dib u qarxeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya