4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Xiriirka Annaga iyo Mareykanka waa mid adag booqashadan ayaana ka Tarjumaysa” (SAWIRRO)


Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Muqdisho kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Africa, Linda Thomas-Green field oo booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Linda Thomas ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in dowladda Mareykanka ay ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata dowladda Soomaaliya kaddib markii KMG-nimadii ay ka baxday Soomaaliya.

"Booqashadaada maanta waa calaamad muujinaysa hormarka uu dalku ka sameeya dhinaca nabadgalyada," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa ku daray. "Imaanshaha Linda ee Muqdisho muhiimaddeeda waa mid aan sinna lagu qiyaasi karin. Laba sano ka hor waxay ahayd magaalada dagaal, balse maanta waa mid soo kabanaysa maalinta maalinta xigta.”

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo darnjire Linda Thomas ayay diiradda ku saareen amniga, arrimaha siyaasadda sida magcaabidda ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, caqabadaha bani'aadamnimo ee jira, xuquuqda aadanaha, dib u heshiisiinta siyaasadeed, barnaamijka waxbarashada Qaranka, dib u habaynta maareynta maaliyadda dowladda iyo kasoo kabashada dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyeen horumarka ay Soomaaliya ay ku tallaabsatay intii lagu jiray sannadkii ay dowladdu shaqeynaysay iyo aragtida marxaladda labaad ee uu dalku higsanayo sannadha soo socda ee dib u soo kabashada Qaranka sida sameynta dastuur cusub iyo doorashooyinka dalka ka dhaca marka la gaaro sannadka 2016-da.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dad badan ay la yaabeen sida ay Somalia ku gaartay horumarkan muddada yar. Isagoo sheegay in in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu hadal qiimo leh ka yiri shirkii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay yeesheen 10-kii bishan, kaasoo ahaa: "Waxaa la soo gudboonaaday Soomaaliya saddexdii bilood ee lasoo dhaafay caqabado aad u badan, balse waxay ku guuleysatay inay ka tallaabsato.”

"Maanta waxaan u jeedinayaa mahadcelin danjire Thomas- iyo dawladda Maraykanka sida ay uga go’an tahay inay u taageeraan Somalia iyo sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageeradaas si dalkan uu uga soo kabto colaadihii uu soo maray. Ciidamada qalabka sida waxaa ku tiirsan yihiin dhaqaalaha laga helo dibadda. Doorka ciidamadeennuna waa mid u ah aasaas sidi lagu cirib-tiri lahaa Al-shabaab oo ah koox argagaxiso ah sidoo kale burcadbadeedda. AMISOM oo guulo la taaban karo gaaray ayaa iyaguna ku tiirsan kaalmooyinka dibadda laga helo, waayo innaga oo keliya dagaalka innaga oo keliya kula guuleysan karno,"  ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

"Raga iyo dumarka yar-yar waxay u baahan yihiin inay waxbartaan intii ay raaci lahaayeen Al Shabaab," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku daray hadalkiisa. "Fatwo ka dhan ah Al-shabaab ayaa dhawaan waxaa laga soo saaray kulan ay hoggaamiyeyasha diintu ku yeesheen Muqdisho, kaas oo looga hadlay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa xagjirnimada. Waa in aan sii wadnaa inaanu wax barno dhallinyarada si mustaqbalka looga gudbo caqabadaha na hortaagan. Ololaha dawladda ee AADA ISKUULLADA oo ay taageerayaan hay’adaha Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay ujeeddo iyo himilo fog oo hal milyan oo caruur ah loogu dirayo iskuullada si ay wax u bhartaan muddo saddex sano gudahood ah."

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in Soomaaliya ay si tartiib ah uga baxayso colaadihii soo daashaday sannadaha badan, isagoo xusay in dalalka saaxiibbada ay yihiin sida Mareykanka ay ka siinayaan gacan sidii ay u dhisi lahaayeen Qaran cusub oo Soomaaliyeed.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya