4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda UNDP & Saylici oo Furay shir looga hadlay Xakameynta Hubka


Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa hay’adda UNDP ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr:George Conway.

Kulan madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda Qaramadda midoobay oo war-saxaafadeed laga soo saaray ayaa lagu sheegay inuu ahaa kulan isbarasho, maadaama oo uu sarkaalkani socdaalkiisani ahaa kii ugu horeeyey ee uu dalka ku yimid.

“Kulankan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho, ayuu Mr George waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado, isla markaana uu aad ula dhacay horumarka iyo waxqabadka ay Somaliland ku talaabsatay, isaga oo madaxweynahana iyo shacbigana ku hambalyey dimuqraadiyada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shacbiga Somaliland, taasi oo uu sheegay in ay xoojin-doonto wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo UNDP, isaguna uu laban laabi doono shaqada loo soo igmaday ee uu halkan u yimid”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Axmed Saleebaan Dhuxul.

Waxaana intaas lagu daray “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa u sheegay Masuulkan in ay ka Somaliland ahaan ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonto hay’addaha qaramada midoobay iyo beesha caalamkaba una rajeeyey madaxan cusub ee UNDP in ay wada shaqayntii hore uga dhaxaysay ay halkaasi ka sii anba qaadi-doonaan, xaga UNDP ahna sidoo kale ay ka rajaynayaan wada shaqayn buuxda”.

Dhinaca kale,Madaxweyne ku xigeenka Md: Cabdraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici), ayaa isna maanta furay shir lagaga hadlayay xeerka  xakamaynta hubka fudud.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in muddo dheer laga shaqaynayey amniga Somaliland, isla markaana loo baahan yahay sidii Somaliland u yeelan lahayd tiirar adag oo amni oo aan marnaba looga baqan nabadgalyada dalka inay cidi waxyeeli karto.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xeerka laga hadlayaa uu yahay mid lagu ogaanayo hubka fudud ee ku jira gacanta dadweynaha,  sidaa darteed ay dawlada waajib ku tahay in ay ogaato qiyaasta hubka fudud ee dadweynuhu ay haystaan.

Saylici ayaa tilmaamay  in ujeedada kulankani ay tahay muhiimada  ay leedahay xakamaynta  hubka fudud, waxaanu intaas ku daray in lagu qiyaaso hubka fudud ee gacanta shacabka ku jira inay tahay   ilaa lix boqol oo kun, taas oo suuqyadda laga mamnuucay in la kala iibsado hubabka iyo rasaastaba.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor, wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire , wasiirka Cadaaladda Xuseen Caydiid iyo wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo dhamaantoodba ka hadlay dhibaatadda uu hubku u leeyahay shacabka iyo sidii loo xakameyn lahaa adeegsiga hubka fudud.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland