3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Ciidanka Booliiska Somaliland oo Al-baabbada u Laabay Xafiiskii Wargeyska HUBAAL ee Hargeysa iyo Laba Shaqaale ah oo la xiray

Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan RRU ayaa xalay la wareegay xarunta guud ee wargeyska HUBAAL oo ka mid ah wargeysyada madaxa-bannaan ee kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Ciidankan ayaa wakhtigii ay xafiiska yimaadeen la wareegay xaruntii, isla markaana xidhay laba qof oo ka tirsan shaqaalaha wargeyskaaasi oo magacyadooda la yiraah Axmed Cismaan iyo Mustafe Maxamed Farro.

Ciidankan soo galay, ayaa watay illaa shan baabuur, isla markaana agagaarka oo dhan isku xeeray, ka dibna waxay qufuleen xafiiskii, iyagoo kaga tagayna ciidan ilaaliya.

Ciidankan ayaa la sheegay inay siteen waraaq maxkamadeed oo ay ku soo xidhayaan wargeyska, isla markaana waraaq sheegaysa in aan la furi Karin ku dhajisay wajiyadda hore ee xafiiska, iyagoo madbacdaha wargeysyada daabaca ugudbiyey amar ah in aan wargeyskaasi la daabici Karin, cidii daabacdana sharciga la hor keeni doonno.

Toddoba bilood ka hor ayaa Wargeyskan Hubaal ee xafiiskiisa la xidhay oo hore dhibane u ahaa xukuumada ay goor habeenimo ahi soo weerareen laba nin oo hubaysan oo midkood ahaa sarkaal ciidanka Booliska ka tirsan, kuwaas oo mid ka mid ragii soo weeraray ay qabteen oo ay u gudbiyeen ciidanka Amaanka, haseyeeshee laba toddobaad ka hor la siidaayey ninkii loo haystay weerarka hubaysan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/14/2013 12:43 PM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay 25-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib qarax caawa fiidkii ka dhacay gudaha bas ka mid ah kuwa dadweynaha oo marayay meel ku dhow saldhigga booliiska Pangani ee magaalada Nairobi.

12/14/2013 10:40 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Muqdisho kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Africa, Linda Thomas-Green field oo booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

12/14/2013 10:28 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Maydka nin farsamo yaqaan ah oo lagu magacaabi jiray, Daahir Dable ayaa maanta laga helay xeebta degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii la la’aa laba maalmood oo xiriir ah.

12/14/2013 8:50 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Toban kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta hay'adda cilmi baarista Puntland (PDRC) ee magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya doorashada madaxtinimada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro horraanta sanadka soo socda ee 2014.

12/14/2013 8:29 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo wakiilka xog-hayaha guud QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada magaalada oo uu u fasiray ujeedada socdaalkiisa.

12/14/2013 8:17 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa hay’adda UNDP ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr:George Conway.

12/14/2013 5:21 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa markii ugu horreysay maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/14/2013 5:13 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa wadamada saboolka ah ee Africa ugu yaboohday lacag dhan 17.2 milyan oo dollarka Maraykanka ah ,taasi oo loogu tala-galay in lagu hormariyo amniga wadamada ay joogaan ciidamada shisheeye oo ay ku jirto Soomaaliya.

12/14/2013 5:10 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya oo ay Soomaalidu degto ayaa xalay lagu qaaday weeraro khasaare gaystay oo lala eegtay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.

12/14/2013 1:48 AM EST
Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hab beeleed u abaabulan ayaa saakay ka qarxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkan ayaa daba socda dagaallo horay uga dhacay gobolkaas.