4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Dalka Soomaaliya oo Goor-dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne

Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa markii ugu horreysay maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjire Kay oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu Baladweyne yihiin tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Inta aan joogo waxaan doonayaa inaan kulammo la yeesho, maamulka, waxgaradka, qaybaha bulshada iyo ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Kay oo xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Baladweyne.

Booqashada ergayga ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo gobolka Hiiraan ay ka socdeen bilihii ugu dambeeyay dadaallo lagu doonayo in maamul ay dadku soo doorteen laga hirgeliyo gobolkaas.

Wakiilka iyo xubnaha la socday ayaa waxaa ammaankooda sugayay ciidan ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee Baladweyne ku sugan.

Kala soco Hiiraan Online wararka dheeraadka ah ee ku saabsan safarka uu ergayga Qaramada Midoobay ku tagay Baladweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya