4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay oo Beledweyne kula kulmay Qaybaha kala duwan ee Blushada (SAWIRRO)


Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo wakiilka xog-hayaha guud QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada magaalada oo uu u fasiray ujeedada socdaalkiisa.

Mr Kay, ayaa sheegay in booqashadiisa gobollada dhexe uu doortay in uu ku tago magaalada Beledweyne oo ku tilmaamay in ay tahay magaalo muhiim ah dhinaca kalana sida uu hadalka u dhigay istiraatiji ah marka la eego gobollada bartamaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisa la xiriirto sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladaha kala duwan ee ka jira magaalada Beledweyne sida ammniga iyo barnaamijyada hormarineed ee loo baahan yahay in wax badan laga qabo, isaga oo intaa ku darray in ay muhiimad gaar u laheyd isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo kulanka uu la yeeshay qeybaha bulshada.

“Dhamaan wixii xog ahaan ee aad soo gudbiseen iyaga oo qoraal ah ayaan u gudbin doonaa dowladda dhexe si markaa ficil loogu badallo,’’ ayuu yiri Nicholas Kay oo la hadllayay qeybaha bulshada uu kulanka la qaatay.

Waxaa uu siweyn u amaanay beellaha wada dega gobolka Hiiraan oo uu sheegay in yihiin dad mudo dheer soo wada noolaa, islamarkaana aan dhaqan u laheyn sida uu hadalka u dhigay khilaafaadka iyo dagaallada, isaga oo sheegay in uu siweyn uga xun yahay dagaallladii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Maamulka gobollka Hiiraan iyo ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Afrika AMISOM ayuu sheegay in ay shaqo weyn ka qabteen nabad-galyada, gaar ahaan waxaa uu ku amaanay ciidamada Jabuuti tababaradii  kala duwanaa oo ay siiyeen ciidamada maamulka oo wax badan ku guuleystay in ay wax ka qabtaan ammniga.

“Waan hambalyeeynayaa shaqada weyn oo ay qabteen mas’uuliyiinta maamulka iyo ciidamada Jabuuti oo iskaashanaya, gaar ahaan is-badalka ay ka sameeyeen dhinaca ammniga,’’ ayuu yiri Nicholas Kay.

Waxaa uu ka dhawaajiyay oo uu sheegay in wixii hadda ka danbeeyay si rasmi ah looga hergalin doono magaalada Beledweyne xafiiska UNSOM oo kala shaqeyn doona bulshada ku dhaqan magaalada sida uu sheegay xiriirka Qaramada Madoobay.

Abaanduulaha ciidamada AMISOM Jen Cismaan Subaglle oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti aysan u iman sida uu hadalka u dhigay magaalada Beledweyne in ay iska fadhiyaan, hasse ahaatee qorsheynayaan sidii ay u gaari lahaayeen qeybaha kale ee gobolku ka kooban yahay.

Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Kabxaley ee gobolka Hiiraan, isaga oo ka dalbaday odayaasha dhaqanka in ay xal deg deg ah ka gaaraan khilaafka labada dhinac.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay dhinaciisa in wixii macluumaad ah ama xog uu si qoraal ah ugu gudbiyay ergeyga gaar ah ee QM Nicholas Kay isaga oo intaa ku darray in soo jeedinta odayaasha iyo xogtii uu gudbiyay ay waafaqsanaayeen.

“Waxaan ku farsaxay in soo jeedintii odayaasha iyo waxgaradka iyo xogtii aan u gudbiyay ergeyga gaar ah ee QM ahaayeen kuwo is waafaqsan,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha oo soo hadal qaaday dagaallkii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Kabxanlay ayuu sheegay in maamulku siweyn uga xun-yahay dagaallka, marar badanna leysku dayay in xal kama danbeys ah laga gaaro khilaafka labada dhinac.

“Runtii dagaallkii ugu danbeeyay ee dhacay waxaa uu ahaa mid nasiib darro ah, odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac aad ayeey u dadalaayaan, maamulkana arintaa gacan ayuu ku siinayaa, waxaana rajeynayaa in khilaafka si deg deg ah loo dhameeyo,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Booqashada ergeyga gaar ah ee QM uu maanta ku tagay magaalada Beledweyne waxaa siweyn u soo dhaweeyay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buraalle ‘’Raaxeeye’’ayaa sheegay in socdaalka Nicholas Kay uu u arkayo mid wax badan ka duwan safaradii horay saraakiisha UN-ku ugu iman jireen magaalada, isaga oo sheegay in markan uu rajo badan ka qabo in safaradaas noqon doonaa kuwo isku badala wax qabad.

“Waxaan is leeyahay booqashadan waa mid wax badan ka duwan kuwii ka horeeyay oo ay magaalada ku iman jireen saraakiisha UN-ka, waxaan ka rajeyneynaa markan wax qabad,’’ayuu yiri guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka.

Safarka Nicholas Kay ee magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago gobollada dhexe Soomaaliya, isaga oo horay u booqday magaalada Baydhabo iyo deegaannada ka tirsan maamul gobolleedka Puntland.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya