4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Farsamo-yaqaan Labadii casho ee la soo Dhaafay la la'aa oo Maydkiisa laga helay Maanta Xeebta Magaalada Kisamayo

Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Maydka nin farsamo yaqaan ah oo lagu magacaabi jiray, Daahir Dable ayaa maanta laga helay xeebta degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii la la’aa laba maalmood oo xiriir ah.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in marxuumka uu garaash ku lahaa bartamaha magaalada Kismaayo uuna farsameyn jiray gaadiidka ay leeyihiin maamulka KMG ah ee Jubba oo ka arimiya magaaladaas.

Inkastoo aan la ogeyn cidda afduubtay farsamo yaqaankan ayaa waxaa lagu baraarugay maanta maydkiisa oo yaalla xeebta magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilka marxuumkan. Sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay.

Saraakiil ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba ayaa qaar wabaarhinta ka tirsan u sheegay in dilkan ay mas’uul ka yihiin xubno taageersan Al-shabaab oo dagaal kula jirta maamulka iyo ciidamada taageeraya ee gobolka Jubbada Hoose ku sugan.

“Daahir Dable wuxuu ahaa farsamo-yaqaan dabka ah oo howlkar ahaa; lama oga cidda dishay iyo goobta lagu dilay, waxaase maydkiisa laga helay maanta xeebta xaafadda Calanley,” ayaa laga soo xigtay qaar ka mid ah ehellada marxuumka.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmahan ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo bastoolado ku hubeysan iyadoo saddex maalmood gudahood lagu dilay magaaladaas mid ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba iyo mas’uul ka tirsanaa waaxda canshuuraha dekedda Kismaayo.

Shacabka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah u hadal-haya dilka Daahir Dable, iyadoo xaaladda magaaladu ay daggan tahay, iyadoo shacabku ay ku tilaameen falkan mid naxdin leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya