4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Ururka Midowga Yurub oo Lacag badan ugu deeqay dalalka Qaaradda Afrika ku yaalla oo Soomaaliya ay ka mid tahay


Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa wadamada saboolka ah ee Africa ugu yaboohday lacag dhan 17.2 milyan oo dollarka Maraykanka ah ,taasi oo loogu tala-galay in lagu hormariyo amniga wadamada ay joogaan ciidamada shisheeye oo ay ku jirto Soomaaliya.

Guddoomiyaha gudiga hormarka Midwoga Yurub Andris Piebalgs ayaa si toos ah u sheegay maalinimadii shalay in lacagtan loogu tala galay horumarinta amniga qaaradda Afrika gaar ahaan qaybta howl-gallada si loo yareeyo khataraha argagaxiso ee xilliyada qaar dhaca.

“Waxaan doonaynaa in saro loogu qaado xasiloonnida qaaradda,anagoo taas ka duulayna waxaan go’aaminnay in dhaqaale cusub loogu deeqo Afrika si loo guuleysto ,waxaana taageeradeena cusub ay caawin doontaa wadamada Afrika ee xiriirka dhow aan la leenahay,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay Midowga Yurub.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu xusay in lacagta ay ku jirto mid loogu tala galay horumarinta is-gaarsiinta Afrika si loo abuuro xiriir joogta ah oo dhex-mara dowladaha deeqaha bixiya iyo wadamada Afrika qaar oo aad uga liita dhinaca is-gaarsiinta iyo isku xirka.

“Qorshaha waxaa ku jirta in kor loo qaado isgaarsinta iyo taageerada howlgalka Afrika, waana mid kamid ah hamigeena,“ ayaa lagu xusay war-saxaafadeedkaas mar kale, waxaana taageeradan la filayaa in muddo kooban lagu gaarsiiyo wadamada loogu tala-galay.

Taageeradan ayaan ahayn tii ugu horeysay oo midowga Yurub ugu yabooho Afrika wadamo ku yaalla ,waxaana la sheegay in lacagtan cusub ay waxa badan ka badali doonto amniga iyo is-gaarsiinta Africa shanta sano ee soo socota.

Ugu danbayntii  Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lacagtan ay qaybteeda ka hesho si looga hortago falalka argagaxiso ,isla markaana waxaa taageero dheeri ah ay u noqonaysaa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa oo howlgal amni u jooga qaybo kamid ah dalka.

Faysal Mahamed Hassan
[email protected]