4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Hay’adda NIS oo Dayactir ku Sameysay Kawaanka lagu iibiyo Kalluunka ee Xamar-weyne, kaasoo Maanta dib loo furay (SAWIRRO)


Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Hay’adda NIS Foundation oo xarunteedu tahay dalka Norway ayaa dib u dayactir ku sameysay kawaanka kalluunka ama mallaayga degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo maanta dib loo furay laguna wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duaqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), guddoomiyaha degmada Xamarweyne, C/llaahi Ibraahim Sahal Gardhuub iyo David Womble oo ah wakiil ka socday dowladda Britain oo ku deeqday dhaqaalaha lagu dayactiray kalluunka.

“Kawaankan waa la dayactiray, waxaana nadaafaddiisa iyo qalabkiisaba inay ilaaliyaan laga doonayaa waa dadka ku shaqeynaya. Innaga haddaan Somali nahay waxaa nalooga bartay in wixii naloogu deeqo ay bilo gudahood cilad ku timaaddo, taasna lama aqbali doono,” ayuu yiri duqa Muqdisho oo hadal ka jeediyay munaasabadda dib u furitaanka degmada Xamarweyne.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dib u dayactirka lagu sameeyay kawaanka kalluunka degmada Xamar-weyne hay’adda NIS oo mashruuca fulisay iyo dowladda Britain oo dhaqaalaha bixisay.

Mashruuca dib u dayactirka kawaanka kalluunka degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu billowday bishii December ee sannadkii hore iyadoo lasoo gabgabeeyay bishii Juun ee sannadkan.

Kawaanka ayaa waxaa loo dhisay jaranjar dhinaca xeebta kaaoo dejinaysay malayga. Darbiyada iyo miisaska kawaanka ayaa waxaa lagu dhajiyay mutuleel. Waxaa loo qoday ceel isla markaana loo dhisay waasko biyo oo qaadda 25 fuusto oo biyo ah. Waxaa dib loo dayactiray dhamaan kawaanka iyo biyo-mareennadiisa.

Sidoo kale, warbixin ay soo saartay hay’adda dayactirtay ayaa lagu sheegay in kawaanka loosoo iibiyay makiinad barafka soo saareysa maalin kasta soo saari karta 1000-kg oo baraf ah iyo 46 sanduuq oo lagu keydin karo 7000-kg oo malay ama kalluun ah.

Dayactirka ayaa waxaa qayb ka ahaa in loosoo iibiyay kawaanka Motoor 15 KVA ah oo dabka dhaliya, iyadoo kawaanka gudihiisa la geliyay nalalka ku shaqeeya cadceedda ama qorraxda, sidoo kalena waxaa afar nal oo ah kuwa ku shaqeeya qorraxda lagu xiray waddooyinka kawaanka ku dhow.

Sarkaal u hadlay hadlayay magaca dowladda Britain oo bixisay dhaqaalaha ku baxayay mashruucan ayaa sheegay in kawaanka loo sameeyay maamul hoostagaya maamulka gobolka Banaadir; kuwaasoo loo tababaray sida uu u shaqeynayo suuqa.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya