4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo qarax lagula beegsaday Gobolka Shabeellada Hoose iyo Sarkaal lagu dilay Afgooye

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Somaaliya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose xilli ay kusii socdeen degmada Marko.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa la sheegay inay kasoo gaareen dhaawacyo mas’uuliyiin la socday gaari uu qaraxu haleeyay, iyadoo Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkan sheegtay ay ku sheegeen war ay ku daabaceen shabakad taageerta  in weerarkaas lala beegsaday gaari uu watay agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Abtidoon Xalane.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo fudud oo qaraxaas ka dhashay balse ma jirto cid ay ka carrabaabeen dadka dhaawacyadu soo gaareen.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxaas, iyadoo wafdigii dowladda ee weerarkan lala beegsaday oo shalay gaaray qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose ay u tallaabeen dhinaca degmada Marko ee xarunta gobolkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaan weli weerarkaas ka hadlin, iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo falalka ammaan-darro ee ku soo laalaabanaya deegaannada ay dowladdu kaga sugan tahay gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in xalay ay kooxo bastoolado ku hubeysan ku toogteen sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii degmadaas oo magaciisa lagu soo koobay Gacal.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in raggii dilkaas geystay ay baxsadeen balse ay ku raad-joogaan, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Xarakada Al-shabaab oo ka talisa qaybo gobolkaas ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya