4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Maanta gaaray Degmada Caabudwaaq (SAWIRRO)


Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo  saraakiisha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa sii maray tuulooyin u dhexeeya degmada Caabduwaaq iyo degmada Dhuusomareeb oo ay safarkooda ka billlaabeen; iyadoo markii ay gaareen degmada Caabudwaaq si weyn loogu soo dhaweeyay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Caabudwaaq, C/risaaq Cali Jaamac oo si diiran u soo dhaweeyay wafdiga ka socday dowladda federaalka Somalia, ayaa sheegay in imaanshahooda degmada uu dhiirrigelin u yahay shacabka iyo maamulka degmadaas ku nool.

Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay degmada Caabudwaaq ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isagoo ballanqaaday in maamulkiisu dib u dhis ballaaran ku sameyn doono degmooyinka gobolka, isla markaana dib u heshiisiin la dhex-dhigi doono dhammaan dadka ku nool gobolka Galgaduud.

Guddoomiye Cirfo ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay ka howl billaabaan degmooyinka Gobolka uu ka koooban yahay, isla markaana ay ka shaqeeyaan caawinta bulshada, maadaama uu maamulka gobalka ee cusub uu dammaannad qaadayo ammaanka hay’adahaas.

Jen.C/risaaq Khaliif abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa si weyn ugu ammaanay bulshada gobolka ku nool sida xammaasada leh oo ay u soo dhaweeyeen hirgelinta nidaamka Dowladnimo ee dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ku biiritaanka ciidamada Ahlusunna ay ku biireen kuwa xoogga dalka ay wax badan kusoo kordhin doono tayada ciidamada ka howlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Abaanduuluhu wuxuu si cad ugu ballanqaaday dadweynaha Galgaduud in sida ugu dhaqsaha badan gacanta cadowga looga saari doono goobaha fara ku tiriska ah oo ay ka joogaan gobolka iyo gobollada kale ee dalka.

Dhanka kale, abaaduulaha xoogga dalka iyo guddoomiyaha Galguduud ayaa intii ay ku guda jireen safarkii lugta ahaa ee ay Caabud-waaq ku tageen waxay soo kormeereen difaacyada ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin duleedka degmadaas; iyadoo la arkayay gadiid dagaal oo ay ku jiraan taankiyo iyo ciidamo fara badan oo salaan sharaf siiyay abaanduulahooda.

Wafdiga ayaa inta ay joogaan magaalada Caabudwaaq waxay kulammo la yeelan doonaan qaybaha bulshada, saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada, iyadoo wafdiga uu sidoo kale booqan doono Xeraale, Ballanbal iyo Deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya