4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Hay’adda CEWARN oo qalab kala duwan ugu deeqday hay’ad ka shaqeynsa ka hortagga Colaadaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Conflict Early Warning Mechanism (CEWARN) oo ah hay’ada ka digta colaadaha ka dhaca xuduudaha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa ugu deeqday hay’adda Somalia CEWERU oo ah hay’ad ka digta colaadaha, isla markaasna ka jawaabta qalab isugu jira toddoba kambiyuutar iyo toddoba birintar.

Qalabkan waxaa kaloo la socda toddoba mishiinka FAX-ka, kuwaasoo la sheegay in dib laga keeni doono.

Qalabkan ayaa waxaa loogu talo-galay inay isticmaalaan gudiyada nabadda ee Soomaaliya CEWERU kuwaasoo ka dhisan degmooyinka xuduudaha dalka ku yaalla, sida Balad-xaawo, Doolow, Luuq, Ceel-Waq, Badhaadhe, Xagar iyo Dhoobley.

Guddiyadan oo ah kuwa ka hortaga kana jawaaba coloodaha ay sababaan dadka xoolaleyda ah ee isaga gudba xuduudaha.

Agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda Arrimaha dibadda oo ku hadlayay magaca Somalia CEWERU ayaa qalabkaas kula wareegay hay’addii bixisay isagoo uga mahadceliyay deeqdan wuxuuna sheegay inay kor u qaadi doonto sidii loogu sameyn lahaa xog ururin ku saabsan dhacdooyinka la xiriira colaadaha ka dhaco degmooyinkaas, si loosoo gaarsiiyo xurunta weyn ee SomaliaCEWERU oo ku taalla Muqdishu iyo hay’ada CEWARN si ka hortag loogu sameeyo.

“Waa tallaabo hordhac u ah wax-qabad badan oo aan ka filayno hay’adda CEWARN oo aan kawada shaqeyno sidii loogu hortagi lahaa colaadaha isla markaasna loogu jawaabi lahaa,” ayuu yiri madaxa Somalia CEWARN.

Wafidga CEWARN ayaa waxyaabaha ay u yimaadeen Soomaaliya waxaa ka mid ah inay bandhigis ku sameeyaan mashruuc lagu magacaabo Rapid Respond Fund oo ah mashruuca looga jawaabayo colaadaha deg-degga ah.

Mashruucaas ayaa wixii hadda ka danbeeya uu fursad u siinaya hay’adaha ka shaqeeya nabadda Soomaaliya inay xaq u yeelanayaan inay dalbadaan dhaqaale si ay wax uga qabtaan mashaariic nabadda wax loogu qabanayo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay ku simaha hay’adda CEWARN isagoo sheegay in qalabkan uu qayb ka yahay qalab loo isticmaalo sidii xogta loo ururin lahaa, waxaana daba-socda qalab kale oo ah isgaarsiin loogu talo-galey in xogta si dhaqsiyaha ah lagu gaarsiiyo hay’adaha ka jawaabaya.

Madaxa hay’ada CEWARN, Richard Barno wuxuu ka mahad-celiyay sidii loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdishu, isagoo sheegey inuu mar kale booqosho rasmi ah ku imaan doono Soomaliya si qorshaha labada sano ee Somalia CEWERU  u noqon lahaa mid sidii loogu talo-galay loo hirgeliyo.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya