4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Dibad-baxyo looga soo Horjeedo Dowladda Somalia oo Saakay ka billowday degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka bilowday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo waxgarad kasoo jeeda degmadaas ay maalin kahor sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Bannaan-baxan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka, aqoonyahanno iyo maamulka dowaldda ee ku sugan degmadaas, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira rag dumar iyo carruur.

“Waxaan dibad-baxyadan uga soo horjeednaa dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowaan heshiis kula gashay Addis Ababa maamulka Jubbaland,” ayuu yiri Malaaq Cali Shiine oo afhayeen u ah guddi ku shiray Baydhabo ee sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan imaan karin Gobollada Bay iyo Bakool.

Dadweynaha dibad-baxayada ka qayb qaadanaya ayaa waxay ku qaylinayaan erayo ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya, waxaana xubnaha soo qabanqaabiyay dibad-baxyadan ay sheegeen inay ka go’an tahay in iyagu ay ka tashadaan aayahooda.

Heshiiskii ay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo shacabka qaarkiis ay soo dhaweeyeen; halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

“Dowladda Soomaaliya waxay heshiis la gashay maamul is-magacaabay, waana taas midda aan kasoo horjeedno, waxay ahayd in dowladdu ay go’aan kaas ka duwan ka qaadato maamulkaas,” ayuu yiri Cali Shiino oo koox wariyeyaal ah Baydhabo kula hadlay Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka socdaan dibadbaxyo midkan la mid ah, iyadoo tani ay ku noqonayso dowladda caqabad kale oo kasoo wajahday gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

La soco wixii warar ah ee kasoo kordha dibadbaxyadan hadduu Alle idmo...

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya