4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Iskahorimaad khasaare geystay oo xalay degmada Huriwaa ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga Al-shabaab

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen laba qof oo ka kala tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadday saldhig ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda oo ku yaalla degmadaas, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Xalay saqdii dhexe waxaa degmada Huriwaa ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, waxaana ku dhintay laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan,” ayuu yiri goob-jooge ku sugan meel ku dhow saldhigga lagu dagaallamay.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay inuu ahaa mid ay la beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda ayna khasaare u geysteen ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa, balse ma sheegin khasaare dagaalkaas kasoo gaaray.

Maamulka degmada Huriwaa iyo dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalkii xalay degmadaas ka dhacay, iyadoo habeennadii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen degmada Huriwaa dagaallo ka dhashay weerarro ay kooxda Al-shabaab la beegsanayso saldhigyada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Gellinkii dambe ee shalay ayey ahayd markii isla degmadaas lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, xilli ay soo gaba-gaboobeen baaritaanno lagu qabqabtay dad badan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay ka sameeyeen xaafadaha degmadaas qaarkood.

Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwa ay ku xooggan yihiin xoogagga Al-shabaab, iyadoo dowladduna ay sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii ay kooxahaas uga sifeyn lahayd guud ahaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay hadlayay ayaa qiray inay jiraan falal ammaan-darro oo ay Al-shabaab ka geysanayso  degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, balse dowladdu ay waddo qorshe ay kooxahaas uga hortagayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya