3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Dowladda iyo Maamulka Jubba

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Drs. Nkosazana Dlamini Zuma ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska ay Soomaalidu ku gaareen Itoobiya uu yahay mid taariikhi ah, waxayna hoosta ka xarriiqday inuu yahay mid xoojinaya heshiisyada ay gaarayaan dhinacyada Soomaalida.

Sidoo kale, Dr. Dlamini Zuma ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ay heshiiyeen ugu baaqday inay fuliyaan qodobbada ay ku heshiiyeen oo aysan noqon kuwo la iska illoobo.

Zuma waxay xustay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku ammaanayso dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan iyo sidoo kale ka shaqeynta sidii ay dalka ammaan ugu soo dabbaali lahaayeen, iyadoo ugu baaqday inay sii wadaan dadaalladooda dib u heshiisiinta ah.

“Heshiiskan wuxuu xoojinayaa shirka Soomaalida loogu qabanayo bisha soo socota magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya,” ayay Dr. Dlamini Zuma hadalkeeda raacisay.

Dhanka kale, waxay sheegtay in ciidamada Midowga Afrika ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, iyadoo ku tilmaantay heshiiskan mid ka mid ah tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya dhanka horumarka u qaadday.

Heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa ayaa wuxuu dhigayay in maamul KMG ah loo sameeyo gobollada Jubboooyinka iyo Gedo, kaasoo xilka hayn doona muddo laba sano ah, kaddibna la sameyn doono maamul guud oo ay dadka deegaannadaasi soo dooranayaan.

Inkastoo heshiiskan ay madaxda dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid lagu xallinayay muran siyaasadeed ka taagnaa maamulka Jubbooyinka ayaa haddana waxaa kasoo horjeestay dad badan oo ay ku jiraan kuwa ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/31/2013 12:37 PM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Hay’adda NIS Foundation oo xarunteedu tahay dalka Norway ayaa dib u dayactir ku sameysay kawaanka kalluunka ama mallaayga degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo maanta dib loo furay laguna wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

8/31/2013 12:36 PM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo saraakiisha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

8/31/2013 11:00 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Conflict Early Warning Mechanism (CEWARN) oo ah hay’ada ka digta colaadaha ka dhaca xuduudaha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa ugu deeqday hay’adda Somalia CEWERU oo ah hay’ad ka digta colaadaha, isla markaasna ka jawaabta qalab isugu jira toddoba kambiyuutar iyo toddoba birintar.

8/31/2013 9:47 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey yeeshay shir ay albaabadda u xidhnaa oo loo diiday warbaahinta, taas oo la sheegay in lagaga doodayey xaaladda guud ee dalka iyo sidii isla xisaabtan dhexdoodda ah iyo xukuumadaba u samayn lahaayeen.

8/31/2013 7:09 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL)— 11 qof oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad-badeed oou dhashay Soomaaliya ayaa xukunkooda oo ahaa 20 sano loogu badalay 5 sano, kadib markii qaadiga maxkada sare ee magaalada Mombasa xukunkaas hore uu ku tilmaamay inuu ahaa mid culus.

8/31/2013 3:39 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Xaflad aad u ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka UK, isla markaana lagu soo bandhigay xisaab-xirka barnaamijkii bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu caawinaayay walaalaha Soomaaliyeed Magaalada London ee xarunta dalka Britian.

8/31/2013 2:55 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka billowday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo waxgarad kasoo jeeda degmadaas ay maalin ka hor sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

8/31/2013 2:53 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen laba qof oo ka kala tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

8/31/2013 2:53 AM EST
Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Somalia ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose xilli ay kusii socdeen degmada Marko.