4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Maxkamad ku taal dalka Kenya oo wax ka bedeshey xukun horay logu ridey burcad-badeed Soomaali ah
The 11 men who had been jailed for 20 years for piracy by a Mombasa court. The High Court reduced the sentence to five years. PHOTO/ GALGALO BOCHA
Sabti, August 31, 2013 (HOL) - 11 qof oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad-badeed oo u dhashay  Soomaaliya ayaa xukunkooda oo ahaa 20 sano loogu badalay 5 sano, kadib markii qaaddiga maxkamada sare ee magaalada Mombasa xukunkaas hore uu ku tilmaamay inuu ahaa mid culus.

Gar-sooraha maxkamada Martin Muya ayaa sheegay in raggan dambiga lagu helay uu yahay weerar ay ku qaadeen markab marayay badda Hindiya sannadkii 2009-ka, waxayna xiranyihiin muddo saddex sano ah taasoo ka dhigaysa xukunkii hore ee labaatanka sano ahaa mid daran.

Ragga xukunka lagu riday ayaa maxkamadu ay ku sheegtay magacyadooda:  Axmed Cabdiqaadir Xirsi, Cbdiraxiim Salaad Rooble, Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi, Maxamuud Jaamac, Cabdi Daahir Axmed, Axmed Macallim Cumar, Axmed Xassan Cadow, Axmed Maxamed Cisman, Abshir Axmed Xassan iyo Cumar Ibraahim Jimcaale.

Raggan ayaa loo haystaa inay weerareen markabka MV FNS Nivose taariikhdu markay ahayd May 3, 2009.

Xaakimka ayaa ku eedeeyay gar-soorahii hore in xukunnada uu ku riday eedeysaneyaashani ay ahaayeen kuwo culus oo uusan tixgalin in ay tahay markii ugu horeysey ee ay dembi noocan ah galaan.

“Waxaan go'aamiyay in 20 sano ay tahay xukun culus oo dheeraad ah, waxaanan ku soo koobay xukunkooda 5 sano oo kasoo bilaabanaysa wakhtigii hore ee xukunku uu ku dhacay" ayuu yiri Garsoore Muya, wuxuuna amar ku bixiyay in 11-kan nin markay xukunkooda dhammaystaan dib loogu celiyo waddanka Soomaaliya.

Raggan ayaa waxaa dawladda Kenya u soo gacan galiyay maraakiibta dagaalka ee Yurub, kuwaasoo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya kuna andacoonaya inay ka ilaaliyaan burcad-badeedda, walow dhawaantan warbixintii Qaramada Midoobay lagu sheegay in halkaas ay ka wadaan kalluumaysi sharci darro ah ayna gacan saar la leeyihiin burcad-badeeda Soomaalida ah.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya