4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Xaflad lagu soo bandhigay Xisaab-xirka barnaamijka "WALAAL AFURI" oo ka dhacday Magaalada London [SAWIRRO]


Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Xaflad aad u ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka UK, isla markaana lagu soo bandhigay xisaab-xirka barnaamijkii bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu caawinaayay walaalaha Soomaaliyeed Magaalada London ee xarunta dalka Britian.

Xafladaan barnaamijkan oo loogu magacdaray (Walaal Afuri) ayaa waxaa soo abaabulay dhallinyarada Soomaali ah oo Ramadaankii isku mashquuliyay sidii ay u caawin lahaayeen walaalhooda dan-yarta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dalalka dariska la ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qarashka laga aruuriyay walaalaha Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah, sidii loo maareeyay iyo inta qoyskii lagu quudiyay.

Dhaqaalaha la ururiyay oo dhammaa $21,580 ayaa qaab sharciyeesan loo mariyay xawaaladaha, iyadoona la gaarsiiyay 300-qoys oo ku kala nool 60-goobood oo isugu jira, magaalo, tuulo iyo degmo ka wada-tirsan 18-gobol ee dalka Soomaaliya, iyadoona sidoo kale qoysaska wax la gaarsiiyay ay ku jireen dad ku nool Jabuuiti, Nairobi, Gaarisa, Ticis, Dhadhaab, Kakuma, IFO, Dhagaxley iyo Jigjiga oo ka ku kala yaalla dalalka Kenya, Yemen, Jabuuti, iyo Itoobiya.

Lacagahaan ayaa ah kuwo laga soo aruuriyay Soomaalida ku nool Britain, Sweden, Denmark, Holland, USA, Canada iyo UAE, iyadoo xarunta laga maamulaayay ay ahayd magaalada London oo markii hore laga abaabulay fikirkan lagu caawinaayay walaalaha Soomaaliyeed inta lagu guda jiray bishii barakeysan ee Ramadaan, taasoo loo bixiyay Walaal Afuri.

Soomaalida ku dhaqan qurbaha ayaa si weyn u ammaanay dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyagu keenay fikirkan lagu caawinayay walaalaha Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, waxayna sidoo kale ku baaqeen in lasii wado barnaamijkaan, islamarkaana sanadaha soo socda abaabulkan oo kale la sameeyo, sidii uu sanadkan ahaana laga sii xoojiyo.

Barnaamijkan Walaal Afuri ee bishii Ramadaan lagu quudiyay 300-qoys ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ay soo abaabulaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jiray rag iyo haween, wuxuuna sidoo kale ahaa mid si cad bulshada loogu soo bandhigayay qarashaadka ay bixiyeen, halka lagu bixiyay, qaabka loo maareeyay iyo goobaha la gaarsiiyay, iyadoo talaabadan oo kale aan loogu baran dadka ka shaqeeya dhinaca deeqaha.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya