4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
SHIIKH AXMED MADOOBE: “Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa dadaal ku bixiyay inaan Maanta Heshiiskan Saxiixno”

IMG_3269.jpg
Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee loo sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in hirgelidda heshiiskan uu sabab u ahaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo mar walba ku boorrinayay ergooyinka inaan la kala tegin ee heshiis laga gaaro khilaafka jira.

Sheekh Axmed Madoobe oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in qodobbada lagu heshiiyay ay yihiin kuwo waafaqsan dastuurka Soomaaliya, uuna aad ugu faraxsan yahay in maanta la saxiixo.

“Heshiiskan la gaaray waa mid qodobbadiisu ay waafaqsan yihiin dastuurka dalka u dagsan, iyadoo maamulka KMG ah uu talada haynayo muddo laba sano ah,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo xusay inay dowladda iyo maamulku ka tashanayaan sida howluhu u socon doonaan.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Madoobe oo ka hadlayay ciidamada Kismaayo ku sugan ee uu hoggaamiyo oo la sheegay in la qarameynayo ayaa xusay inay ciidamadu hoostagayaan dowladda Somalia sida uu dastuurku qabo, balse maamulkiisu uu si gaar ah u maamuli doono ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Runtii caqabado badan ayaa naga horyimid intii aan shirka wadnay, mahad gaar ahna waxaan u celinayaa hirgelidda heshiiskan madaxweynaha Somalia oo mar walba si toos ah noola soo xiriirayay, naguna boorrinayay inaan kala tegin oo aan heshiis gaarno. Sidoo kale waxaa dadaal badan iyaguna bixiyay dowladda Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD,” ayuu Sheekhu hadalkiisa ku daray.

Maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo oo aad looga dooday ayuu xusay in lagu heshiiyay in maamulka KMG ah ee Jubba uu sii hayno maamulkooda muddo lix bilood ah, markaas kaddibna si wadatashi ah loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Su’aal ahayd sida uu ugu qancinayo heshiiska uu gaaray maamulladii isaga la safnaa intii uu jiray muranka siyaasadeed ee dowladda kala dhexeeyay ayuu sheegay in cid walba waxay u doodaysay ay tahay shacabka uuna ku rajo-weyn yahay in dhinacyadii la safnaa ay heshiiskan taageeri doonaan.

Dhanka kale, wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir oo isaguna la hadlay VOA-da ayaa heshiiskan kuna tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo xusay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafaadyadii jiray.

“Heshiiskan waa mid aan ugu talo-galnay inaan ku dhameynno dhibaatada maanta taagan kuna xallino; waana mid ay wada-gaareen dowladda iyo maamulkii Jubbaland,” ayuu Faarax ku yiri wareysigiisa.

Isagoo ka hadlayay arrimaha magacaabista maamullada iyo guddiyada lixda bilood ee soo socota maamulaya dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo ayuu xusay in labada dhinac ay isla gaareen qodobbada qaarkood kuwo kalena ay u dhiman.

Qodobbada ka dhiman heshiiskan ayay labada mas’uul sheegeen in lagu dhameystiri doono shirar ka dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo ay labada mas’uul muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heshiiska ay maanta kala saxiixdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya