4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Diyaarad Weyn oo laga leeyahay Waddanka Turkiga oo lagu wado in Maanta ay soo Cago-dhigato Garoonka Muqdisho


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in maanta barqdii ay soo cago-dhigato garoonka diyaaradaha Muqdisho diyaarad weyn oo dalka Turkiga laga leeyahay, taasoo aan horay u imaan magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay tahay kuwa aadka u waaweyn waxaana la dhimay dhaqdhaqaaqaydii duulimaadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si diyaaraddan ay fursad weyn ugu hesho inay si nabad ah garoonka ugu soo dagto ayna uga duusho.

Howl-wadeennada garoonka diyaaradaha qaarkood ayaa xusay in diyaargarow loogu jiro imaanshaha diyaaraddan oo keeni doonta rakaab aad u fara badan oo Soomaali ah iyo xamuul kale, ayna ka qaadi doonto xamuul iyo rakaab kale.

“Turkish Airlines waxaa maanta ka imaanaysa diyaarad weyn oo aan horay u imaan Muqdisho, marka waxaa la yareeyay dhaqdhaqaaqii duulimaad ee garoonka diyaaradaha, si diyaaraddan ay fursad ugu hesho inay si nabad ah ugu dagto garoonka,” ayuu yiri howlwadeen garoonka ka tirsan.

Sidoo kale, howlwadeenkan wuxuu sheegay inay jirto cabsi ku aaddan sida ay u dagayso diyaaraddan, maadaama ay tahay diyaarad ku degi jirtay garoommada diyaaradaha caalamiga ah oo aad uga weyn kan Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxy toddobaadkiiba laba jeer duulimaad ku sameysaa magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradda maanta imaanaysa ay ka duwan tahay tii horay u imaan jirtay oo ahayd mid dhexe.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haysa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo sheegtay inay dib u habeyn iyo casriyeyn xoogan ku sameyn doonto shanta sano ee soo socota.

Sannadkii hore ayaa waxaa dib ugu billowday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho duulimaadyadii caalamiga ahaa, kuwaasoo ay markoodii ugu horreysay billowday shirkadda Turkish Airlines, iyadoo ay kusoo biirtay sannadkan Air Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya