4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Kulan looga Hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho oo Maanta lagu Qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska Soomaaliya

Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho ayaa maanta ka dhacay dugsiga tababarka booliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dadweyne fara badan.

Mas’uuliyiintii kulankan goobjoogga ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid), guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) iyo saraakiil ciidan.

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu qorsheynayaa in afarta sano ee soo socoda uu ka fuliyo Muqdisho howlgallo lagu sugayo ammaanka, waxaana uu dajin doonaa sharciyo,” ayuu yiri Jen. C/xakiin Saacid oo intaas ku daray inay ka codsanayaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan booliiska si amniga Muqdisho loo xaqiijiyo.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne fara badan oo qarkood ay ahaayeen ardayda wax ka barta iskuullada magaalada Muqdisho, haween, culummo iyo dadweyne kale.

Taliyaha booliiska ayaa sheegay in booliisku ay ka yimaadeen shacabka ayna uga baahan yihiin shacabku inay gacan siiyaan, maadaama ammaanku uu yahay mid dan u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, Jaamac Oday oo isaguna ka jeediyay hadal dheer kulanka ayaa sheegay in shacabka haddii aysan gacan ku siin ciidamada nabadgalyada howlaha ay amniga ku sugayaan aanay dhici karin in ammaanka la sugo.

“Waxaa shacabka laga doonayaa inay qaybtooda ka qaataan sugidda amniga waayo amniga wuxuu dan u yahay dadka oo dhan, ma jirto cid ay dan gaar ah ugu jirto, sidaa daraadeed dhowr jeerna waan ku cel-celinnay shacabku waa inay ciidamada la shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri.

Dhammaan xubnihii kulanka ka hadlay oo isugu jira madaxda dowladda iyo dadkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay si wanaagsan u tilmaameen in ammaanku uu yahay midka keliya ee horseedi kara in Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah oo horumar deg-deg ah lagu sameyn karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya