4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Mareykanka oo Maanta laga Xusayo Hadalkii Martin Luther King uu 50-sano ka hor ka jeediyay Magaalada Washington (SAWIRRO)


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Dalka Marykanka oo dhan ayaa maanta laga xusayaa Martin Luther King oo ahaa nin madow oo jeediyay khudbad saameyn xooggan yeelatay oo uu jeediyay sannadkii 1963-kii taasoo ahayd (I have a Dream) oo macnaheedu yahay waan riyoonaayaa.

King ayaa khudbaddiisa waxay tusaale u ahayd sidii dadka madow ee dalka Mareykanka ku nool ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinkii haystay oo ay ka mid ahaayeen midab-takoor iyo inaanay heli karin shaqooyin wanaagsan iyo waxbarasho.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa kaga qaybgalaya magaalada Washington ee xarunta dalkaas xaflad lagu xusayo khudbadii taariikhiga ahayd ee King oo ay kasoo qaybgalayaan dad kumannaan kun ah, isagoo munaasabadda ka jeedin doona khudbad uu ku cabirayo fikraddii Mather King. Sidoo kale waxaana isla goobtaas hadallo ka jeedin doona Jimmy Carter iyo Bill Clinton oo madaxweynayaal soo noqday.

Hadallada uu King jeediyay 28-kii Ogoosto, 193-kii ayaa waxaa ka mid ahaa inuu arki doono maalin uun isbedel ka dhaca dalka Mareykanka iyo iyadoo ay dadka madow iyo kuwa cad ee dalkaas gacmaha is-haystaan.

“Waxaan rajeynaa in maalin uun la arki doono iyadoo qofka madow ee dalka Mareykanka u dhaashay lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo maskaxdiisa, balse aan lagu qiimeyn midabkiisa,” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu jeediyay King oo noqday kuwo saameyn xooggan ku yeeshay dowladdii Mareykanka ee jirtay xilligaas.

Khudbadihii King uu jeediyay ayaa wax ka bedelay nolosha Mareykanka iyo siyaasadda Mareykanka, iyadoo dadka madow loo ogolaaday in shaqooyin sarsare ay dalkaas ka qabtaan iyo inay horseed ka noqdaan horumarka uu ku tallaabsaday Mareykanka.

Tusaalayaasha ugu wanaagsan ee ka dhashay khudbaddan oo lasoo qaato ayaa waxaa ka mid ah in dalka Mareykanka uu hoggaaminayo ruux kasoo jeeda dadka madow ee dalka Mareykanka oo xilligaas midab-takoor ku jiray iyo in jagooyinka sarsare, sida taliyaha guud ee ciidamada iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ay noqdeeen siyaasiyiin madow ah oo isugu jira rag iyo dumar.

Martin Luther King oo ahaa dhaqdhaqaaqe dhinaca xuquuqda aadanaha ah ayaa wuxuu horseed u noqday in dadka madow ay joojiyaan inay raacaan basaska, taasoo sababtay in dhaqaalaha basaska ay hoos u dhacaan, lagana dalbado in dadka madow ay basaska u raaci karaan sida dadka cad.

Qofka madow ee Mareykanka ah wuxuu kursiga uga kici jiray markii baska la raaco qofka caddaanka ah, taasoo meesha ka saartay mudaaharaadka ay ku dhaqaaqeen dadka Madow, waxaana King uu ahaa nin rumeysnaa in isbedel la dhalin karo dagaal la’aan.

King oo dhashay 15-kii Jannaayo, 1929-kii ayaa waxaa shirqoo lagu dilay 04-tii Abriil 1968-kii iyadoo lagu dilay gobolka Tennessee, waxaana dilkiisa uu keenay kacdoonno waaweyn oo saameeyay dalka Mareykanka oo dhan.

Halyeeygan madow oo ka tagay afar caruur ah ayaa waxaa gabar ka mid ah ay sheegtay inay goor-dhow si dhab ah u ogaatay saameynta ay khudbaddii uu aabbaheed jeediyay 50-sano ka hor, taasoo dunida oo dhan ku shaacday.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya