4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Shacabku waxay idinka dhawrayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda ilaalisaan”


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray taliska cusub ee qaybta 12-ka Abriil ee ciidanka xoogga dalka iyo taliska guud wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo la hadlayey ciidammo ka tirsan kuwa xooga dalka ayaa ku ammaanay howsha ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo ku dhiirri-geliyey dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

"Shacabku waxay idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan. Waad ku ammaanan tihiin dagaalka aad kula jirtaan kooxaha nabadda diiddan; shacabkuna waxay fursad u heleen inay guryahooda ku laabtaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo la dardaarmayay ciidamadii uu la hadlay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Hase yeeshee falalka kufsiga iyo isbaarooyinka waa amni-darro Qaran, ciddii lagu helana lala tiigsan doono sharciga, iyadoo la marsiin doono ciqaab adag. Waxaan dhawaan dib-u-howlgelin doonnaa isbitaalkii xoogga si loo daryeelo caafimaadka ciidanka."

Madaxweynaha ayaa kormeerkan ugu kuur-galayey xaaladda ciidamadu ay ku sugan yihiin, wuxuuna qayb ka ahaa kormeerkan dhiirri-gelin ciidamada loo sameynayo iyo iyadoo lagula dardaarmayo sugidda amniga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka hadlay isaguna goobta ayaa sheegay in ciidan Soomaaliyeeed oo tayo leh la dhisayo, isagoo ku boorriyay ciidamadii uu la hadlay inay howsha Qaranka u gutaan si hufan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo hadal u jeediyay ciidamada ayaa sheegay in in xarunta loogu magac-daray 12-ka Abriil ay muujineyso sida loogu hanweyn yahay ciidamada xoogga dalka, maadaama 12-ka Abriil ay tahay markii la aasaasay ciidankii ugu horreeyay ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa in muddo ah ku howlanayd dib u habeynta hay'adaha kala duwan ee ammaanka, tababarro la siiyay ciidamada oo tayadooda kor loogu qaadayo, si loo soo celiyo haybaddii iyo sharaftii ciidamada Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya