4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Howlgallo dad badan lagu soo Qab-qabtay oo Ciidamada dowladda Somalia ay ka sameyeen Degmooyinka ka tirsan Muqdisho


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Howlgallo lagu qabqabtay dad fara badan ayay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen in howl-galladan ay yihiin kuwo looga hortagayo weerarrada argagaxiso ee kooxda Al-shabaab ay ka geysanayso Soomaaliya.

Ciidammo isugu jira nabadsugid iyo booliis ayaa saakay aroortii hore lagu arkay qaybo ka tirasn degmooyinka Dayniile iyo Hodan oo ay baaritaannadu ka dhaceen maanta, waxaana ciidamadu ay ku qabqabateen dad fara badan.

“Baaritaannadan ay ciidamadu maanta sameeyeen waa kuwo amniga lagu xaqiijinayay loogana hortagayo falalka ay Al-shabaab magaalada Muqdisho ka geysato,” ayau yiraadeen saraakiil ka tirsan kuwii howlgallada maanta hoggaaminayay.

Saraakiisha ayaa hadalkooda ku daray in howlgalkan uu billow u yahay kuwo is-daba-joog ah oo degmooyinka gobolka Banaadir laga sameynayo, kuwaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shababa taabacsan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo billowgii sannadkan ka dhacayay falal ammaan-darro oo ay intooda badan sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen weerarro lagu qaaday xarunta UNDP iyo qunsuliyadda Turkigu uu ku leeyahay Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha degmooyinka la baaray ayaa sheegay in saakay ay arkeen ciidammo fara badan oo aanay weligood horay u arag, kuwaasoo guryaha baaritaanno ku sameynayay, isla markaana qabqabtay dhallinyaro fara badan oo qaarkood ay sii daayeen kuwo kalena ay wateen.

Inkastoo Muqdisho ay howlgallo noocan oo kale ah horay uga dhaceen ayaa wuxuu haddana howlgalkan kusoo beegmayaa xilli shalay uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay guddi ammaan oo ka shaqeynaya ammaanka guud ee dalka, kaasoo uu isagu madax u yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya