4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa oo Oslo kulammo kala duwan ku yeeshay Magaalada Oslo qaatay (SAWIRRO)


Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa waxay kulammo isugu jira wadatashi iyo kuwo howleed la qaateen hay’adda NDI oo taageerta baarlamaanka Soomaaliyad.

Kulammadan ayaa waxaa looga hadlay habsamida ah ee ay u socdaan howlaha baarlamaanka Soomaaliya oo jira muddo toddoba bilood ah, iyadoo dhammaan qodobbadii ay labada dhinac kawada haleen la isku afgartay.

Sidoo kale, wafdiga uu hohgaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa caawa casho sharaf uu sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Norway, Bendevic loogu sameynayaa hoteel ku yaalla magaalada Oslo.

Prof. Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxay berri oo Isniin ah la kulmi doonaan madax ka tirsan dowladda Norway oo uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay Norway u caawin lahayd dowladda Soomaaliya iyo baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa socdaalkiisa ku wehliya guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad, Jeeylaani Nuur Iikar,guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xubno ka tirsan xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka.

Socdaalka ay guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisu ku joogaa dalka Norway oo qaadan doona muddo shan maalmood ah ayaa waxay kula kulmi doonaan jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, iyagoo sharraxaad ka siin doona xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo kaalinta looga baahan yahay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya