4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Wafdi ka socday Dalka Koonfur Afrika oo Puntland kala hadlay La-dagaalanka Kalluumaysiga sharci-darrada ah


Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wefdi ballaaran oo ka socda dalka koonfur Afrika oo gelinkii danbe ee shalay soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Wefdigan oo ka socdey wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika, islamarkaana uu horkacayey mas'uul lagu magacaabo Edgar Motsisi, waxay madaxda Puntland isla soo qaadeen arimo dhowr ah.

Arimaha ay kawada hadleen waxaa ugu muhiimsanaa; sidii Puntland looga taageeri lahaa ka faa'iideysashada kheyraadka badda iyo weliba sidii ay ula dagaalami lahayd kaluumaysiga sharci darrada ah ee ay maraakiibta shisheeyuhu ka geystaan xeebaha Puntland.

Edgar Motsisi iyo wefdigiisu waxay sidoo kale madaxda Puntland kala hadleen arimaha waxbarashada, iyagoo kulan gaar ah la yeeshay wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa, kaasoo ay isla soo qaadeen sidii Puntland gacan looga siin lahaa tayeynta iyo dardar gelinta waxbarashada.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli bilihii u danbeeyey kaluumaysatada deegaanada Puntland ay kasoo yeereysey cabasho xoogan oo ku aadan kaluumaysiga sharci darrada ah, iyagoo tilmaamay in maraakiibta Jiriifku ay saameyn weyn ku yeesheen waxsoo saarkoodii badda.

Wefdiga ka socda dalka Koonfur Afrika ee magaalada Garoowe booqashada kuyimid, waxya kahor intii aysan Garoowe soo gaarin soo mareen magaala-madaxda dalka ee Muqdisho, halkaasoo ay kulamo kula soo qaateen qaar kamid ah madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya