3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Marxuum Shaati-guduud oo Magaalada Baydhabo lagu Aasay iyo Mas'uuliyiin Dowladda ka tirsan oo qaybgalay Aaskiisa


Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu aasay marxuum Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo horraantii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, waxaana aaskiisa ka qayb-galay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maydka ayaa saakay la keenay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaas oo ay kula tukadeen salaadda Janaasada xubno ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana markaas kaddib loo duuliyay magaalada Baydhabo.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamuud Axmed Saleebaan, xubno ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiray ra’iisul wasaarihii hore ee dowladihii KMG ahaa, Cali Khaliif Galeyr iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qaybgalay aaska iyagoo ka raacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa hoggaamiyaha jabhaddii RRA; isagoo sidoo kalena xilal wasiir oo kala duwan ka qabtay xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray, wuxuuna xilligii ugu dambeysay ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii KMG ahaa.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay intii uu aasku socday, iyadoo magaalada la saaray bandow, waxaana la hakiyay socodka iyo ganacsiga degmada oo dhan.

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad Cabdiraxmaan oo bandowgan ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka inta uu socdo aaska marxuum Shaati-guduud.

Mas’uuliyiinta dhinaca dowladda ee ka qayb-galay aaska ayaa waxaa hor-kacayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha ee Baydhabo loo bixiyay magaca Shaati-guduud International Airport, isagoo sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay codsi dowladda uga yimid maamulka gobolka iyo dadka deegaanka.










FG:
Sawirradan waa Markii Janaasada lagula tukanayya Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/7/2013 1:35 PM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa waxay kulammo isugu jira wadatashi iyo kuwo howleed la qaateen hay’adda NDI oo taageerta baarlamaanka Soomaaliyad.

4/7/2013 12:11 PM EST
Axad, April 07, 2013(HOL): Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden shir sanadeedkii Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen wakiillada xisbiga ee dalka Sweden.

4/7/2013 9:10 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, danjire Maxmaed Saalax Anaadiif oo ay wehliayaan taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti, madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera AMISOM (UNSOA), Amadou Carama iyo taliyaha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, Maj-Gen. Francis K. Nthenge ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

4/7/2013 9:02 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta soo saaray amar wax lagaga qabanayo ciddii ka hor timaadda shirkadda Shiidaalka ka baadhaysa deegaano ka mid ah Bariga Somaliland.

4/7/2013 8:35 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ahaa Maayarkii Hargeysa Eng:Yusuf Warsame Siciid ayaa saaka ku geeriyooday wadanka imaaraadka Carabta oo uu muddo ku xanuunsanayay.

4/7/2013 8:22 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda federaalka oo ka kooban wasiirro, xildhibanno iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

4/7/2013 8:09 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Sannad ka hor ayey ahayd markii bangiyada dalka Mareykanku ay ku dhawaaqeen in aysan la shaqeynaynin xawaaladaha Soomaalida, islamarkaasna ay xireen guud ahaan xisaabaadkii iyo koontooyinkii ay ku lahaayeen, iyagoo xiligaasi ku andaacoonayey cabsi ay ka qabaan in lacagta fara badan ee xawaaladuhu u diraan gudaha Soomaaliya ay ku dhacdo gacan qaldan ama tan kooxda Al-shabab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay argagixiso.

4/7/2013 7:53 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay dhowr todobaad oo qura ka harsan yihiin xilliga la shaaciyey in ay qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland - oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah- ayuu shalay golaha wakiillada ee Puntland cod aqlabiyad leh ku meel mariyey qodobo uu guddiga doorashooyina codsaday in wax laga bedelo.

4/7/2013 7:48 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wefdi ballaaran oo ka socda dalka koonfur Afrika oo gelinkii danbe ee shalay soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

4/7/2013 2:29 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Koox fanaaniin ah oo doonayey inay bandhig faneed ku qabtaan magaaladda Burco ayaa dhibaato ka soo gaadhay ka dib markii hoolkii ay ku qabanayeen la isku qabsaday.

4/7/2013 1:35 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabaysay digniin ay dowladda Ingiriisku ku sheegtay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal argagaxiso ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan jirin hadda khatar muuqata oo ka jirta Muqdisho.

4/7/2013 1:34 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Maydkii Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo toddobaadkii hore ku dhintay dalka Jamalka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasoo lagula tunayo salaadda janaasada, kaddibna waxaa loo duulinayaa degmada Baydhabo ee gobolka Bay si halkaas loogu aaso.