4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Shir Sanadeedkii Ururka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Magaalada Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, April 07, 2013(HOL): Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden shir sanadeedkii Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen wakiillada xisbiga ee dalka Sweden.

 

Shirka oo qeybtiisii koowaad lagu qabtay Hotel Welcome ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ururka uu soo qabtay muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaana waxqabadkii ururka soo jeediyay xubno u xilsaarnaa waaxo kala duwan oo ururku u qeybsan yahay.

 

Guddoomiyaha Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed C/llaahi Macallin oo shirka furay ayaa soo dhaweeyay ka soo qeybgalayaasha shirka, isagoo sidoo kalena uga mahadceliyay in ay ajiibeen martiqaadkii ay u fidiyeen ee ahaa in ay shirka ka soo qeybgalaan, kadibna waxaa uu ku soo dhaweeyay mas’uuliyiintii ka hadlayay in ay waxqabadka ururka soo jeediyaan.

 


Mas’uuliyiinta goobta ka soo jeediyay ayaa waxay kala ahaayeen Caasha Ismaaciil oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka, C/nuur Ciise oo ah Xoghayaha ururka, Maxamed Saciid Cali oo ah Qasnajiga Ururka iyo Xamdi Axmed oo ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada, waxayna dhammaantood si faahfaahsan uga hadleen waxyihiin uu ururka ka qabtay arrimaha Isdhexgalka, waxbarashada, dhaqanka iyo luuqadda iyo qaxootiga.

 

Waxyabaha ugu muhiimsan ee uu arrimahaas Ururka ka qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa in ay arrimaha isdhexgalka ka caawiyeen dadka Soomaaliyeed ee Sweden ku nool, sidoo kalena ay u qabteen tababarro ku aaddan sidii ay suuqa shaqada u geli lahaayeen, waxna ay u baran lahaayeen.

 

Waxaa kale oo muhiim ahayd in ururka uu xafiis ka furtay gudaha magaalada Stockholm, sidoo kalena uu sameeyay ururka website uu Ururka leeyahay, kaasi oo ah . Waxaa kaloo la soo bandhigay sidii loo maareeyay dhaqaalihii soo galay ururka sanadkii 2012.

 


Waxyaabihii ugu waa weyn ee ururka qabtay sanadkii 2012 ayaa lagu sheegay in ay ahayd in uu qabtay shirweyne loo qabtay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Sweden ku nool, kaasi oo uu ka soo qeybgalay wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/llaahi Goodax Barre. Waxayaabaha kale ee la xusay ayaa waxaa ka mid ahaa in wafdi ka socda Ururka ay booqdeen dalal dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Yurub, kuwaasi oo ay kula soo kulmeen ururro waddamadaas ka dhisan, kuwaasi oo soo dhaweeyay waxqabadka Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed. Ujeeddada ugu weyn ee safarkaas ayaa ahaa in ururka la baahiyo.

 

Waxaa xusid mudan in shirka uu ansiyay in uu Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden uu sanad kasta bixiyo abaalmarin la siin doono shakhsiyaadka ama hay’adaha dadka Soomaaliyeed wax wanaagsan u qabta, iyadoo si aqlabiyad ah loogu codeeyay in Jaa’isadaas loogu magac-daro Alle ha u naxariistee Shiikh Cumar Faaruuq oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed.

 

Intaas kaddib Guddoomiyaha Ururka C/llaahi Macallin oo ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan in uu Ururka qabto sanadka 2013 ayaa sheegay in waxyaabaha uu wax ka qaban doono ay ka mid yihiin arrimaha Isdhexgalka, waxbarashada iyo shaqada, familka iyo caruurta, dhaqanka iyo luuqadda iyo horumarinta ururrada, wuxuuna caddeeyay in meel-marinta barnaamijkooda sanadkan uu yahay mid baahidiis taagan tahay, isla markaana ay ugu talagaleen mashaariic si aad looga soo shaqeeyay oo ku aaddan daboolidda baahiyaha taagan.

 


Qeybtii labaad ee Shirka oo lagu qabtay Maqaayadda Jubba, isla markaana isugu jirtay casho sharaf iyo khudbooyin ayaa waxaa ka qeybgalay marti sharaf badan oo aan ku koobneyn ka qeybgalayaashii shirka, waxaana marti sharaftaas ka mid ahaa Xildhibaan C/risaaq Waabari oo ka tirsan Xisbiga talada dalka Sweden haya ee Moderate-ka, iyo Aqoonyahanno kale oo ku Stockholm ku nool.

 

Xildhibaan C/risaaq Waaberi oo kulanka ka hadlay ayaa Soomaalida kula dardaarmay in ay midnimo muujiyaan, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan danahooda, sidoo kalena wuxuu tilmaamay Xildhibaanku in loo baahan yahay in Soomaalida ay noqdaan dadka ka dhex muuqda bulshooyinka kale ee ku nool dalka Sweden, iyagoo taasina ku gaari kara marka ay waxbartaan, isla markaana ay shaqeystaan.

 


Xildhibaanka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Dowladda iyo dadka Sweden ay yihiin tixgeliya dadka la nool ee dhaqammada iyo diimaha kala duwan leh, wuxuuna ku tilmaamay in dalka Sweden uu yahay waddanka kaliya ee ay madxafkiisa yaallaan astaamo uu Islaamo lahaa xilligii dowladdii Islaamka, sida lacagtii waagaas la isticmaalayay iyo waxyaabo kale.

Marti sharaf kale oo badan ayaa ka hadlay kulanka, kuwaasi oo iyana hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo la xusay in midnimada Ururka ay horseed u noqon karto midnimada Ummadda Soomaaliyeed, bacdamaa ay ku mideysan yihiin ururro badan oo Soomaaliyeed.

 

Ururka isbahaysiga waxaa la aasaasay 1995, markii ay isku tageen ururro ku kala baahsan waddanka Sweden, kuwaasi oo ujeeddadoodu tahay in laga shaqeeyo danaha umadda Soomaaliyeed ee Sweden iyo waddankeenii Soomaaliya. Ururka isbahaysigu waxaa xubno buuxa ka ah in ka badan 50 urur oo ku kala baahsan waddanka Sweden.







 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]