4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Wafdi ka Kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo Gaaray Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda federaalka oo ka kooban wasiirro, xildhibanno iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

Wafdiga oo uu hogaaminayo wasiirrka kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku-xigeennada wasaarradaha Gaanshaandhiga, Amniga iyo Maalyada iyo Shan xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha wafdiga maanta gaaray magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah gudoomiyaaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax iyo mas’uulka lagu wado in uu xilka kala wareego Cabdi Faarax Laqanyo oo ay wehliyaan sidoo kale koox fanaaniin ah oo ay ka mid yihiin Max’ed Xassan Xusseen Lafoolle iyo Farxaan Xidig.

Xildhibaan Nuur Iidow Beylle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa HOL u sheegay in ujeedada socdaalkooda ee rasmiga ah dib ka sheegi doonaan, laakiin xilligan kulmo gar gaar ah la leeyihiin saraakiisha maamulka, AMISOM iyo qeybaha bulshada.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga ujeedada rasmiga ah ee socdaalka wafdiga, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay u socdaan sidii xilka looga wareejin lahaa Cabdi Faarax Laqanyo oo sida wararku sheegayaan dowladda u magacaawday in uu noqdo guddoomiyaha gobollka Hiiraan.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya