1/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay Digniintii Britain; sheegtayna Inaysan khatari ka jirin Magaalada Muqdisho


Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabaysay digniin ay dowladda Ingiriisku ku sheegtay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal argagaxiso ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan jirin hadda khatar muuqata oo ka jirta Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka dowladda aysan soo sheegin wax khatar ah oo kusoo wajahan Muqdisho ama ka jirta, isagoo xusay inay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan digniinta ay dowladda Britain soo saartay.

“Hay’adaha ammaanka ee dowladdu ma soo sheegin wax khatar ah oo ka jirta Muqdisho, dowladda Britain waa dowlad weyn xaq ayayna u leedahay inay shacabkeeda uga digto meel walba oo ay khatar u aragto,” ayuu yiri Ciil-mooge Xirsi.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu haatan si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore, ayna baaritaanno dheeraad ah ku sameyn doonaan khatarha laga digayo.

“Muqdisho ammaan buuxa ayaa ka jira,” ayuu wasiirku si kooban u yiri, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo uu intaas raaciyay, balse magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo loo adeegsaday gaadiid miineysan iyo rag walxaha qarxa lagu xiray, kuwaasoo ay waxyeello xooggan kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada  dowladda.

Warbixin ay soo saartay Britain Sabtidii shalay ayay ku sheegtay in laga yaabo in Al-shabaab iyo kooxo dowladda kasoo horjeeda ay weerarro argagaxiso ka fuliyaan Muqdisho, kuwaasoo ay sheegtay inay heer gabo-gabo ah marayaan.

Tan iyo markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho; Ogoosto 2011, waxaa ka dhacayay caasimadda Soomaaliya qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xubno ka tirsan Al-shabaab ay fulinayeen, inkastoo dowladdu ay dadaal ugu jiro sidii ay ku xaqiijin lahayd ammaanka guud ee Muqdisho.

Xukuumadda Britain ayaa bishii hore uga digtay muwaadiniinteeda niay ku tagaan safarro Somaliland, halkaasoo ay sheegtay inay ka jiraan khatarro dhinaca ammaanka ah, iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay jirin wax khatar ah oo ka jira Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







Click here
4/7/2013 1:35 PM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa waxay kulammo isugu jira wadatashi iyo kuwo howleed la qaateen hay’adda NDI oo taageerta baarlamaanka Soomaaliyad.

4/7/2013 12:11 PM EST
Axad, April 07, 2013(HOL): Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden shir sanadeedkii Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen wakiillada xisbiga ee dalka Sweden.

4/7/2013 9:10 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, danjire Maxmaed Saalax Anaadiif oo ay wehliayaan taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti, madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera AMISOM (UNSOA), Amadou Carama iyo taliyaha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, Maj-Gen. Francis K. Nthenge ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

4/7/2013 9:02 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta soo saaray amar wax lagaga qabanayo ciddii ka hor timaadda shirkadda Shiidaalka ka baadhaysa deegaano ka mid ah Bariga Somaliland.

4/7/2013 8:35 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ahaa Maayarkii Hargeysa Eng:Yusuf Warsame Siciid ayaa saaka ku geeriyooday wadanka imaaraadka Carabta oo uu muddo ku xanuunsanayay.

4/7/2013 8:22 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda federaalka oo ka kooban wasiirro, xildhibanno iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

4/7/2013 8:18 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu aasay marxuum Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo horraantii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, waxaana aaskiisa ka qayb-galay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

4/7/2013 8:09 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Sannad ka hor ayey ahayd markii bangiyada dalka Mareykanku ay ku dhawaaqeen in aysan la shaqeynaynin xawaaladaha Soomaalida, islamarkaasna ay xireen guud ahaan xisaabaadkii iyo koontooyinkii ay ku lahaayeen, iyagoo xiligaasi ku andaacoonayey cabsi ay ka qabaan in lacagta fara badan ee xawaaladuhu u diraan gudaha Soomaaliya ay ku dhacdo gacan qaldan ama tan kooxda Al-shabab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay argagixiso.

4/7/2013 7:53 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay dhowr todobaad oo qura ka harsan yihiin xilliga la shaaciyey in ay qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland - oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah- ayuu shalay golaha wakiillada ee Puntland cod aqlabiyad leh ku meel mariyey qodobo uu guddiga doorashooyina codsaday in wax laga bedelo.

4/7/2013 7:48 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wefdi ballaaran oo ka socda dalka koonfur Afrika oo gelinkii danbe ee shalay soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

4/7/2013 2:29 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Koox fanaaniin ah oo doonayey inay bandhig faneed ku qabtaan magaaladda Burco ayaa dhibaato ka soo gaadhay ka dib markii hoolkii ay ku qabanayeen la isku qabsaday.

4/7/2013 1:34 AM EST
Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Maydkii Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo toddobaadkii hore ku dhintay dalka Jamalka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasoo lagula tunayo salaadda janaasada, kaddibna waxaa loo duulinayaa degmada Baydhabo ee gobolka Bay si halkaas loogu aaso.