6/19/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyay inay sii soconayaan dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada iyo Dagaalka Al-shabaab (SAWIRRO)



Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan joogsan doonin dib u habeynta lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena ay sii socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shababa inta dalka oo dhan laga saarayo.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay dabaal-deg loo sameynayay sannadguuradii 53-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka xoogga dalka oo ku beegnayd maanta oo Jimco ah.

“Muddada aan xilka hayo ee aan ahayn sida sharcigu qabo taliyaah guud ee ciidamada waxaan joogteynayaa dib u habeynta ciidamada, meesha aan maanta joogno ma ahan halkii aan ku ekaan lahayn balse waa sii socon doonnaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay ciidamada xoogga dalka isagoo sheegay in guulo waaweyn ay ka gaareen dagaalladii ay la galeen Al-shabaab; balse looga baahan yahay in howsha ay halkaas kasii wadaan tan iyo inta dalka oo dhan uu noqonayo ammaan uu qof walba miishii uu ku tagayo nabadgalyo.

“Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waa laf-dhabarka dalka iyo sharafta Qarankan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khduabdiisa isagoo intaas ku daray: “Waxaan munaasabaddan awgeed hambalyo u dirayaa ciidamada xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynuhu wuxuu  sii raaciyay hadalkiisa: “Waan inaan caddeynaa howsha aan leennahay waa inaan difaacno dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna. Looma dulqaadanayo in askariga ka tirsan ciidamada qalabka sida uu sharciga jabiyo. Waxaad khatarta u gelisay naftaada waa dalkan, sidaa daraadeed waa waa inaad difaacdaa sharaftiisa.”

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ku sheegay inay tahay koox aan nabad doonayn, isagoo xusay in dagaalka ay kula jiraan uu sii socon doono inta dalka oo dhan laga sifeynayo.

“Joogtaynta la dagaalanka argaagaxisa waa mid sii soconaysa inta dalka laga waayayo argagaxiso iyo cid fowdo sameynaysa, illaa laga gaaro heer dadka oo dhan ay shacabka ku hoos noolaadaan ma joogsanayo dagaalka,” ayuu carrabka ku dhajiyay madaxweynaha.

Dhanka kale, wuxuu ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada AMISOM ee ka socda shan dal oo Afrika ka mid ah iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay inay dalka u joogaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab oo uu sheegay inay tahay koox argagxiso ah, isagoo xusay inay dadaalkaas abaal weyn uga hayaan.

Munaasabadda loogu dabaal-degayay maalinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee 12-ka Abriil ayaa ka dhacday wasaaradda gaashaandhigga iyadoo la xiray inta badan jidadka Muqdisho iyo kuwa soo gala, waxaana la dhigay ciidammo fara badan oo ammaanka suga inta xafladdu socotay.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya










Click here
4/12/2013 4:20 PM EST
Jimco, April 12, 2013(HOL)—Waxaa xalay ku geeriyootay magaalada Leicester ee dalka Britain Muraayad Garaad Axmed oo ahayd guddoomiyaha Ururkii Dimoqraadiyadda Haweenka Soomaaliyeed (SWDO) intii u dhaxeysay sanadihii 1980—1991.

4/12/2013 2:33 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

4/12/2013 2:30 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii labaad ku sugan xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa soo kormeeray mashaariicda horumarin ah oo ka soconaya dalka Burundi.

4/12/2013 2:29 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Militariga Somaliland Gen: Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamo gaadiid tikniko wata ka soo goosteen maamulka Khaatumo, kuwaas oo ku soo biiray ciidamadda Somaliland.

4/12/2013 10:25 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa duhurnimadii maanta weerar ku qaaday mas’uul ka tirsanaa maamulka dowladda hoose ee degmada Baladweyne xili uu ku sii jeeday masjid ku yaala bartamaha magaalada Baladweyne.

4/12/2013 9:29 AM EST
Jimco, 12 April, 2013(HOL) :- Eng. Bashiir Axmed Max’ed oo kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubooyinka ayaa sheegay in uu u taaganyahay xilka madaxweyninimo ee dowlad goboleedka la filayo in loo dhiso Jubooyinka.

4/12/2013 9:23 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcaha maanta ah u dhoofay dalka Turkiga halkaasoo uu uga qaybgalayo kulan uu Turkigu garwadeen ka yahay oo la isugu keenayo Soomaaliya iyo Somaliland.

4/12/2013 8:10 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Guddiyo farsamo oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya ayaa shalay loo saaray inay soo diyaariyaan ajandaha shirka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Turkiga

4/12/2013 7:05 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa sheegay inay xoojinayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayna sii joogayaan inta looga soo Soomaaliya oo dhan laga nabadeynayo, kaddib kulan xarunta dalkaas ee Bujumbura ku dhexmaray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

4/12/2013 6:49 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa Dhambaal Mahad-naq iyo Bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool Qaaradaha Yurub oo shalay Banaan-bax aad u balaadhan ka hor dhigay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

4/12/2013 6:46 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka furmaya tartan kubadda cagta ah, kaasoo ay ka qayb gelayaan xulal ka kala yimid gobollada dhexe ee dalka, islamarkaana kala metelaya maamullada Gal-mudug, Puntland, Ximin iyo Xeeb; iyo Ahlu-sunna.