3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Somaliland oo ka hadashay Dibadbaxay Jaaliyadda Somaliland ee Yurub ay ka Horsameeyaan Baarlamaanka Midowga Yurub

Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, ahna Ku Simaha Madaxweynaha  Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa Dhambaal Mahad-naq iyo Bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool Qaaradaha Yurub oo shalay Banaan-bax aad u balaadhan ka hor dhigay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee  Dalka Belgium.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Wadamada Yurub uu ku Ammaanay sida Geesinimada iyo Sharafta badan ee ay isugu soo baxeen Banaanbaxaas muhiimka ahaa ee lagu taageerayay Xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado, sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

"Madaxweyne ku Xigeenka ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland waxa  kale oo uu Jaaliyada reer Somaliland ee  Qurbaha ku nool uu ku ammaanay kaalinta Muhiimka ah ee ay kaga jiraan Horumarinta Dalka iyo waliba dedaalkooda ku saabsan sidii ay Dunida ugu qancin lahaayeen in ay Aqbasho  Madaxbanaanida Somaliland oo ah mid Muqaddas ah oo aan gor-gortan gali Karin. waxa kale oo Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku Simaha Madaxweynuhu uu ugu baaqay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka debadiisu inay gacmaha is qabsadaan  siina laban-laabaan dedaalkooda ku aadan Horumarinta Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah”ayaa lagu yidhi dhambaalkaasi mahadnaqa ah ee uu madaxweyne ku xigeenku usoo diray jaaliyadda Somaliland ee yurub.

Si kastaba ha ahaatee, jaaliyada reer Somaliland ayaa shalay  banaanbax ay ku taageerayeen madaxbanaanidda Somaliland ku qabtay xarunta baarlamaanka Yurub ee Brussels ee dalka Belgium, kuwaas  oo wadamada reer Yurub ka codsaday in la ixtiraamo madax banaanidda Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
4/12/2013 4:20 PM EST
Jimco, April 12, 2013(HOL)—Waxaa xalay ku geeriyootay magaalada Leicester ee dalka Britain Muraayad Garaad Axmed oo ahayd guddoomiyaha Ururkii Dimoqraadiyadda Haweenka Soomaaliyeed (SWDO) intii u dhaxeysay sanadihii 1980—1991.

4/12/2013 2:33 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

4/12/2013 2:30 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii labaad ku sugan xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa soo kormeeray mashaariicda horumarin ah oo ka soconaya dalka Burundi.

4/12/2013 2:29 PM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Militariga Somaliland Gen: Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamo gaadiid tikniko wata ka soo goosteen maamulka Khaatumo, kuwaas oo ku soo biiray ciidamadda Somaliland.

4/12/2013 10:25 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa duhurnimadii maanta weerar ku qaaday mas’uul ka tirsanaa maamulka dowladda hoose ee degmada Baladweyne xili uu ku sii jeeday masjid ku yaala bartamaha magaalada Baladweyne.

4/12/2013 9:29 AM EST
Jimco, 12 April, 2013(HOL) :- Eng. Bashiir Axmed Max’ed oo kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubooyinka ayaa sheegay in uu u taaganyahay xilka madaxweyninimo ee dowlad goboleedka la filayo in loo dhiso Jubooyinka.

4/12/2013 9:23 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcaha maanta ah u dhoofay dalka Turkiga halkaasoo uu uga qaybgalayo kulan uu Turkigu garwadeen ka yahay oo la isugu keenayo Soomaaliya iyo Somaliland.

4/12/2013 8:10 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Guddiyo farsamo oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya ayaa shalay loo saaray inay soo diyaariyaan ajandaha shirka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Turkiga

4/12/2013 7:18 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan joogsan doonin dib u habeynta lagu sameynayo ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena ay sii socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shababa inta dalka oo dhan laga saarayo.

4/12/2013 7:05 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa sheegay inay xoojinayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayna sii joogayaan inta looga soo Soomaaliya oo dhan laga nabadeynayo, kaddib kulan xarunta dalkaas ee Bujumbura ku dhexmaray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

4/12/2013 6:46 AM EST
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka furmaya tartan kubadda cagta ah, kaasoo ay ka qayb gelayaan xulal ka kala yimid gobollada dhexe ee dalka, islamarkaana kala metelaya maamullada Gal-mudug, Puntland, Ximin iyo Xeeb; iyo Ahlu-sunna.