4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Guddi Farsamo oo loo saaray Diyaarinta Ajandayaasha looga hadlayo kulanka Dhexmaraya Soomaaliya iyo Somaliand

Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Guddiyo farsamo oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya ayaa shalay loo saaray inay soo diyaariyaan ajandaha shirka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Turkiga

Shirkan hor dhaca ah waxa loo xilsaaray Guddi ka kooban min shan xubnood oo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo kulankoodu ka dhacayo hoteel ku yaalla magaaladda Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Sida aanu wararka ka halayno shirkaasi sheegayaan in Dhinaca Somaliland u matalayaan gudidda farsamo oo gudoomiye looga dhigay wasiirka Arrimaha dibaddda Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka shaqadda iyo shaqaalaha Maxamuud Barre (Garaad), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, halka guddidda Soomaaliya ka socotana gudoomiye looga dhigay wasiirka Arrimaha gudaha CabdiKariim Guuleed, waxaana xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. CabdiQaadir, Xildhibaan: Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaanka ka tirsan, xildhibaan: Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaanka ka tirsan, Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaanka ka tirsan.

Guddidan labadda dhinac ka socotay ayaa ka wada hadlaya qaabkii loo bilaabi lahaa wada hadalka dhexmari doonna labadda madaxweyne ee ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya ee la doonayo inay garnaqsi toos ahi dhexmaro oo la filayo in maalinta Axadda si toos ah isku soo horfadhiisan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, way adagtahay in natiijo laga gaadho waxa laga wada hadlayo, maadaama oo labadda dhinac laba daraf oo aad u kala durugsan kala taagan yihiin, isla markaana mid waliba ku dhaartay dastuurkiisa oo ka turjumaa mid waliba rabitaanka shacabkiisa, halka madaxweynaha Soomaaliya ku dhaartay in midnimadda soomaaliya lama taabtaan tahay, halka  madaxweynaha Somaliland ku dhaartay in gooni isku taaga Somaliland ka noqosho lahayn, taas oo aanu midna doonayn in uu dhaartiisa buriyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland