6/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhimashada Zenawi. "Aad ayaan ugu faraxsannahay geerida Meles' , Itoobiya hadda ayay burburaysaa  ," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya inay kala burburi doonaan.

Dhanka kalana magaalada Nairobi oo ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali ah ayaa laga dareemayaa farxad goobaha qaar, gaar ahaana meelaha ay ku suganyihiin dadweynaha kasoo qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Xaliimo Maxamed oo dukaan ku gadata xaafada Islii, kana soo qaxday gobolka Soomaali galbeed oo la hadashay Hiiraan Online ayaa sheegtay inay u tahay maalin farxadeed.

Xaliimo ayaa sababta ku sheegtay in ciidamada Zenawi ay kasoo qaxiyeen deegaankaadii ayna dileen qaar badan oo kamid ah qaraabadeeda ayadana jirdil loo gaystay kahor inta aysan Kenya uu soo qaxin.

Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ku dhaqan Nairobi oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in geerida Meles Zenawi ay fursad u tahay Soomaalida ayna ku heshiin karaan, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa caqabada hortaagnayd is faham dhex mara dadka Soomaaliyeed.

Waxaana uu ugu baaqay Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo kuwa Soomaali galbeedba inay ka faa'iidaystaan fursadan taariikhiga ah oo uu sheegay inay tahay mid aan markale soo mari doonin.

Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaaciyay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.

Telefishinka Itoobiya ayaa laga sheegay in xilka ra'iisul wasaarenimo ee Itoobiya uu si KMG ah u haynayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Zenawi ayay Soomaalidu ku xasuustaan inuu ahaa hogaamiyihii suuragaliyay in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galaan caasimada Soomaaliya markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya sannadkii 2006-dii, taasoo kordhisay nacaybka ay Soomaalidu u hayeen.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya