Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku diideen qodobbo ka mid ah dastuurka oo uu ka mid yahay qodob dhigaya in madaxweynuhu uu kala diri karo baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankii maanta uu shir-guddoominayay guddoomiyaha, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa xaadiray 168 mudane, kuwaasoo ka dooday saddex qodob oo ay xidlhiaannadu diideen markii ay cod u qaadeen kaddib.
Qodobka ay sida aadka ah uga doodeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa wuxuu ahaa qodobka dhigaya in madaxweynuhu uu kala diri karo baarlamaanka, sidoo kalena ay baarlamaanku iyagu is kala diri karaan, qodobkaasoo la sheegay inuusan ahayn mid caddeynaya sababta lagu kala dirayo baarlamaanka.
Sidoo kale, waxay xildhibaannadu si aad ah uga doodeen qodob kale oo dhigaya xilliga lagu soo dhisayo hay'adaha kala duwan ee dowladda, kaasoo la isku raacay in muddo lagu kordhiyo, iyadoo loo saaray guddi sixitaan kusoo sameeyaan saddexdii qodob ee xildhibaannadu ay diideen.
Dood dheer kaddib ayay xildhibaannada baarlamaanka waxay codka u qaadeen qodobbadii ay sida aadka ah uga doodeen maanta, iyadoo ugu dambeyn saddexdii qodob ee laga dooday diiday.
Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Jawaari ayaa ku dhaawaqay natiijadii codeynta xildhibaannada baarlamaanka, waxaana natiijada ka mid ahaa in qodobka ku aaddan in baarlamaanka uu kala diri karo madaxweynaha diiday 162 mudane, saddex waa ka aamuseen, saddexda waa ogolaadeen.
Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay inay sii socdaan ka doodda qodobbada xeerar hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeynayo, iyadoo fadhigan kiisa xiga ay xildhibaannadu isugu imaanayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaannada Baarlamaanka oo diiday qodobbo uu ka mid yahay inuu kala diri karo Madaxweynuhu Baarlamaanka Soomaaliya
More News
- Baarlamaanka Ingiriiska oo la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar Kulan iyo Shirkadda maamusha
- Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay dambiyaddii sanadkan ka dhacay iyo celcelis ahaan saacadii inta dambi ee dhacay
- Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Baar ku Yaalla inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho
- Gaadiidleyda isaga gudba Somaliland iyo Jabuuti oo Qaylo-dhaan ka muujiyey Buundo ay mari jireen oo Burburtay
- Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
- Kumannaan Qoys oo ku barakacay Roobab daadad wata oo todobadkii hore ka da'ay Gobollo ku yaalla Bariga Somaliland
- Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliya oo sheegay in xoogagga Raaskambooni ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda
- Arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo iyo Kuliyad Cusub oo lagu soo Kordhiyay Jaamacadda (SAWIRRO)
- Dowladda Uganda oo mar kale ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya la baxayso iyo Al-shabaab oo ka hadashay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
- Bam-gacmeed xalay lagu weeraray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah
- Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku qabtay Degmada Baladweyne dhallinyaro sitay Waxyaabaha Qaraxa