4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Kumannaan Qoys oo ku barakacay Roobab daadad wata oo todobadkii hore ka da'ay Gobollo ku yaalla Bariga Somaliland
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Roobab mahiigaan ah oo ka dagay gobollada Saaxil iyo Togdheer ee Somaliand ayaa waxaa ku barakacay kumannaan qof oo ku noolaa deegaannada ay roobabka ka da'een, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Somaliland.


Daad ka dhashay roobabkan ayaa waxay sababeen dhimadhada saddex qof oo la sheegay inay guryahooda ugu galeen dadad ka dhasdhay roobabkan mahiigaanka ah. Iyadoo deegaanada ay roobabku ka da'een ay kala yihiin: Qori-lugud, Daba-Qabad, Tallo-Buuro, Bali-Calanle iyo Gubato, waxaana ku dhintay roobakaas xoolo u dhexeeya 7,000 illaa 9000 oo neef.

"In ka badan 3,000 illaa 4,000 oo qoys ayaa ka barakacay sagaal deegaan oo ka tirsan gobolka Togdheer kaddib roobab xooggan oo ka da'ay toddobaadkii lasoo dhaafay (26-kii Oktoobar), dadkaasna waxay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Togdheer Cabdow Xayir Cusmaan oo la hadlayay wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

Balse guddoomiyaha hay'adda ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga musiibooyinka, Maxamed Muuse Cawaale ayaa tirada qoysaska ku barakacay roobabkii ka da'ay gobollada Somaliland ku sheegay inay gaarayaan 600 oo qoys oo keliya.

"Gobolka Saaxil oo xaruntiisu tahay magaalada Berbera ayaa waxaa ku dumay guryo fara badan, kuwaasoo ay ku jireen guryo taariikhi ah," ayuu yiri Cawaale isagoo hoosta ka xariiqay in hay'adda Bisha Cas ay qoysaska barakacay siisay teendhooyin ay ku hoydaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Qori-Lugud, Maxamuud Sheekh Cabdi ayaa u sheegay isaguna IRIN in degmadaas ay ku burbureen guryo fara badan, kaddib markii ay daadadkii roobabka ka dhashay gudaha u galeen, isagoo sheegay inay ku socdeen daadadka si xowli ah ayna ka sarreeyeen dhulka illaa laba fiid.

Saraakiisha gobollada ay roobabku ka da'een ayaa sheegay in qiyaastii 2,800 oo qof ay u baahan yihiin teendhooyin, cunno iyo waxyaabo kale oo aan raashin ahayn, iyadoo roobabkan ay kusoo beegmayaa xilli abaaro ba'an ay bartamihii sannadkan ku dhufteen gobollada ay roobabku waxyeellada u geysteen.

Maxamuud Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in roobabkan khasaaraha ballaaran u geystay gobollada Somaliland ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay nooceeda oo ka da'a gobolladaas muddo hadda laga joogo 12-sano.

Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay sagaal caruur ah oo ka mid ahayd dadkii roobabka ay barakiciyeen ayaa sheegtay in guryahooda ay dumeen, kaddib markii saacado badan uu deeggaankoodu ay ka da'ayeen roobabka mahiigaanka ah.

"Markii roobabku ay saacado socdeen waxaa nagu dumay guryihii, waxaana hadda gabbaad ka dhiganaa buuraha dhaadheer," ayay tiri hooyo Nimco Maxamuud Maxamed, iyadoo intaas ku dartay. "Hadda waxaan ku nool nahay buuro 5-km ka baxsan deegaanka Qori-Lugud, waxaan u baahannahay, cunno, hoy iyo qalabka guryaha, waayo alaabteennii waxaa burburiyay daadadka."

Ugu dambeyn, saraakiisha hay'adaha samafalka ee ka howgala Somaliland ayaa sheegay inay baqdin weyn ka qabaan in cudurrada faafa ay ka dillaacaan goobihii ay roobabka culusi ka da'een; iyagoo sheegay in musqulihii oo dhan ay burbureen taasina ay keeni karo inay cudurro dhashaan, waxayna hoosta ka xariiqeen inay u baahan yihiin barakacayaashu dawooyinka biyaha lagu nadiifiyo, haamaha biyaha lagu keydsado iyo raashin nafaqo leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya