4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Baar ku Yaalla inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho

Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii sameeyay ismiidaaminta ayaa ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore baar lagu magacabo The Village oo ku taalla inta u dhexeysa isgoyska Zope iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof oo qaar ka mid ah uu firirku ugu tagay gudaha baarka.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in qaraxyada ay sameeyeen laba nin oo walxo qaraxa isku soo xiray, inkatsoo aysan u suurogelin inay gudaha u galaan baarka oo ay xilligaas ku sugnaayeen dad badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda iyo dad qurbo-joog ah.

"Ismiidaamin ayay ahaayeen qaraxyadu waxay ka dhaceen illinka hore ee baarka, ilaalada baarka iyo raggii isqarxiyay rasaas ayay isweydaarsadeen intii aysan qaraxyadu dhicin; xaaladdu waa wanaagsan tahay waxaan ku jirnaa gudaha baarka," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii baarka ku sugnaa oo saxaafadda la hadlay.

Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa xiray halka ay qaraxyadan ka dhaceen, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada milaterigu ka sameeyeen maanta Muqdisho howgallo lagu ururinayya cidamada dowladda ee wata hubka sharci-darrada ah.

Baarka la weeraray ayaa waxaa iska leh ninka leh baarkii The Village oo ku yaalla agagaarka guriga hooyooyinka halkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof oo ay ku jireen saddex wariye oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen Radio Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo horay u sheegatay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay baarka The Village ayaan ka hadlin weerarrada qaybta labaad ee baarkan laug sameeyay maanta, iyadoo ciidamada dowladdu ay xireen halkii uu qaraxu ka dhacay waxaana socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

Baarkan ayaa waxaa ka cuntayn jiray kuwa caweyn jirtay dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dadweyne kale oo fara badan, iyadoo weerarkan ismiidaaminta ah uu noqonayo kii saddexaad oo Muqdisho ka dhaca tan bishii September oo lasoo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya