Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Gaadiidka iskaga kala goosha Jabuuti iyo Somaliland, ayaa sheegay inay dhibaato ka soo gaadhay buundo biyo mareen ah oo ka go’day inta u dhexeysa magaaladda Lawyo-Caddo iyo Saylac.
Gaadiidkan ku xaniban Saylac iyo Lawyo-caddo ayaa dawladda Somaliland baaq qaylo dhaan u ah usoo diray iyagoo ka codsaday in wax laga qabto jidkan go’ay oo gaadiidleyda ku cadiban yihiin maristeeda, iyagoo sheegay in afar cisho uu yaalay gaadhi raashin u siday hay’ada WFP oo halkaasi la go’day ka dibna baddi ku dhex dhacay, isla markaana aanay maamulkii Saylac aanay wax kala qaban dhibaatada haysata gaadhigaasi oo xanibay gaadiidkii kale ee mari lahaa jidkaasi, kuwaas oo ku kala xanibmay lawyo-caddo iyo Saylac.
Gaadiidleydani waxa kale oo ay ka codsadeen maamulka Saylac in cashuurtii ay ku bixin jireen Saylac lagaga qaado lawyo caddo, maadama oo wadadii ay usoo mari lahaayeen go’antahay, isla markaana ay wadooyin kale oo raf ah u mari doonaan magaalooyinka kale, sidaa darteed cashuurtii looga qaado Lawyo-caddo.
“Waxaanu ka cabanaynaa wadadan Lawyo Caddo iyo Saylac u dhexeysa, waxaanu mari jirnay meel kaabad ah oo biyaha baddu maraan, balse waxa afar cisho horteed ku dhacay gaadhi xamuul sida oo raashin hay’ada WFP leedahay saaran tahay”ayuu yidhi mid ka mid ah gaadiidleyda jidkaasi isticmaalo oo HOL khadka telefoonka ugu waramayey isagoo ku sugan magaalo xuduudeedda Lawyo caddo ee Jabuuti iyo Somaliland u dhexeeya.
Gaadiidleydan ayaa sheegay in shalay galinkii dambe ay toosiyeen baabuurkii ku dhacay buundadda, haseyeeshee waxyeelo badan ka soo gaadhay gaadhiga iyo wixii saarnaaba.
“Waxaan maamulka Saylac ka codsanaynaa in cashuurta la nagaga qaado Lawyo caddo si wadooyin kale oo raf ah u marno, sidoo kale waxaanu dawlada dhexe ka codsanaynaa in wadadaasi wax laga qabo oo dhibaato badan baa naga soo gaadhay ilaa hada uu dhex taagan yahay gaadhigii afarta cisho ku dhacay ee wax laga qabto wadadaasi “ayuu raaciyey mid ka mid ah gaadiidleyda oo magaciisa igu sheegay Ismaaciil.
Wadadan ayaa la sheegay in waxba laga qaban mudooyinkii Somaliland jirtay, iyadoo wakhtigii hore dadweynaha deegaanku iska wax u qabso ku samayn jireen, balse imila ay sii xumaatay oo loo baahan yahay inay dawladdu wax ka qabato.
Sidoo kale, wararka ka helayno Saylac ayaa la sheega in gaadhigan badda ku dhex dhacay afarta cisho aan wax gurmad ah ka helin, balse waxa gaadhigaasi u gurmaday gaadiidleyda iyo dad kale, kuwaas oo kiciyey balse dhibaato weyn ka soo gaadhay gaadhigaasi iyo wixii saarnaa, waxaana illaa hadda labadda dhinac ka taagan gaadiidkii mari jiray sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah gaadiidleydan.
Bariijkan yar ee burburay ayaa waxa uu Magaaladda Saylac u jiraa wax ka yar killomitir, haseyeeshee ma jirto labaatankii sanno ee Somaliland lagu soo noqday cid wax ka qabatay haday ahaan lahayd mid dhexe iyo mid maamulka gobolka ahba.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Gaadiidleyda isaga gudba Somaliland iyo Jabuuti oo Qaylo-dhaan ka muujiyey Buundo ay mari jireen oo Burburtay
More News
- Baarlamaanka Ingiriiska oo la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar Kulan iyo Shirkadda maamusha
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo diiday qodobbo uu ka mid yahay inuu kala diri karo Madaxweynuhu Baarlamaanka Soomaaliya
- Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay dambiyaddii sanadkan ka dhacay iyo celcelis ahaan saacadii inta dambi ee dhacay
- Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Baar ku Yaalla inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho
- Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
- Kumannaan Qoys oo ku barakacay Roobab daadad wata oo todobadkii hore ka da'ay Gobollo ku yaalla Bariga Somaliland
- Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliya oo sheegay in xoogagga Raaskambooni ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda
- Arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo iyo Kuliyad Cusub oo lagu soo Kordhiyay Jaamacadda (SAWIRRO)
- Dowladda Uganda oo mar kale ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya la baxayso iyo Al-shabaab oo ka hadashay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
- Bam-gacmeed xalay lagu weeraray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah
- Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku qabtay Degmada Baladweyne dhallinyaro sitay Waxyaabaha Qaraxa