Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo wafdigan ay soo dhaweeyeen saraakiisha dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan degmada Kismaayo.
Wafdigan oo uu horkacayay wasiirkii gaashaandhigga xukuumaddii hore Xuseen Carab Ciise, taliye ku xigeenka AMISOM, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Masuuliyiintani ayaa markii ay kasoo dageen garoonka waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madax katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo kadibna waxaa loo gelbiyay xarunta degmada halkaasoo ay kulamo kula qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan degmadaasi.
Wafdiga ayaa waxa safarkooda ku wehlinaya qaar kamid ah saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in wafdigu uu kulamo la qaato odoyaasha dhaqanka , ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo hadal ka jeediyay Kulan ay xarunta degmada Kismaayo kula qaateen masuuliyiinta dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya ayay uga mahadceliyeen a dadaalka ay u galeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen magaalada Kismaayo oo uu wasiirku sheegay in Al-shabaab ay ka heli jireen Dhaqaale badan.
Afhayeenka ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo hadal ka jeediyay kulankii ay la qaateen wafdiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.
Waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara magaalada Kismaayo tan iyo intii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
More News
- Baarlamaanka Ingiriiska oo la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar Kulan iyo Shirkadda maamusha
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo diiday qodobbo uu ka mid yahay inuu kala diri karo Madaxweynuhu Baarlamaanka Soomaaliya
- Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay dambiyaddii sanadkan ka dhacay iyo celcelis ahaan saacadii inta dambi ee dhacay
- Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Baar ku Yaalla inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho
- Gaadiidleyda isaga gudba Somaliland iyo Jabuuti oo Qaylo-dhaan ka muujiyey Buundo ay mari jireen oo Burburtay
- Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
- Kumannaan Qoys oo ku barakacay Roobab daadad wata oo todobadkii hore ka da'ay Gobollo ku yaalla Bariga Somaliland
- Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliya oo sheegay in xoogagga Raaskambooni ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda
- Arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo iyo Kuliyad Cusub oo lagu soo Kordhiyay Jaamacadda (SAWIRRO)
- Dowladda Uganda oo mar kale ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya la baxayso iyo Al-shabaab oo ka hadashay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
- Bam-gacmeed xalay lagu weeraray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku qabtay Degmada Baladweyne dhallinyaro sitay Waxyaabaha Qaraxa