4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku qabtay Degmada Baladweyne dhallinyaro sitay Waxyaabaha Qaraxa
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay illaa lix ruux oo dhalinyarro ah kuwaasoo lagu qabtay iyaga oo sita walxaha qarxa sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Axmed Cismaan Cabdalla Inji ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobollka gacanta ku dhigeen rag sitay walxaha qarxa xili ay ciidamadu howlgal ku jireen.

‘’Raggan waxaa lagu qabtay koontaroolka magaalada laga soo galo xili ay la socdeen gaari Mini-bas ah, ciidamadu waa ay ka shakiyeen, markii la baarayna waxaa laga hellay walxaha laga sameeyo qaraxa iyo hub," ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ay damacsanaayeen falal amaan darro oo ay ka geystaan gudaha magaalada Baladweyne, laakiin ciidamada maamulka markiiba ka hor tageen, waxaana lagu hayaa waqtigan xabsiga ayuu yiri Axmed Inji.

Waxaa uu sheegay in ay ka war hayaan saraakiisha maamulka sida uu hadalka u dhigay dhaq dhaqaaq kasta oo ay Al-shabaab ku doonayaan in ay ku xumeeyaan nabad-galyada magaalada, islamarkaana ciidamada maamulka heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya