3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyay Muqdisho howgallo ay kusoo qabqabteen ciidammo kale oo hub ku dhexwatay magaalada Muqdisho, iyadoo howgalladaas ay ciidamadu ku dileen qof watay tuuraha ciidamada dowladda.

Howgalkan oo ahaa mid aan horay loo arag ayay ciidamada milaterigu ku qabteen in ka badan 100 ruux iyo hubkii ay wateen, kuwaasoo saraakiisha howshan waday ay sheegeen inay ku jireen dad shacab ah oo qoryo watay.

"Waxaan howgalkii maanta ku qabannay 100 qof oo hub sharci-darro ah ku dhex-watay magaalada, waxaana ku jiray ciidammo," ayuu yiri Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacama-duulle) oo ah taliyaha howgelinta ciidamada milateriga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo hubeysan ayaa waxaa howgalkan maanta lagu qabqabtay uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay ka sameeyaan magaalada ciidamada milateriga, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay howgalkan ka sameeyeen 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Isgoyska KM-4 ayaa la sheegay in ciidamada dowladdu ay ku toogteen nin xirnaa dharka tuutaha oo qori AK-47 ah watay, kaasoo gobjoogayaal ku sugan halkaas ay sheegeen inuu diiday qoriga, taasna ay keentay inay ciidamadii howgalka ku jiray toogtaan.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa waxay hubka ka qaadayeen ilaalada hoteellada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ku yaalla, waxaana ay dhowr hoteel ka qaateen qoriyihii lagu ilaalinayay, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in howgalkan uu qayb ka yahay mid lagu sugayo ammaanka caasimadda.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhego-badan oo ka mid ahaa saraakishii hoggaaminayay howgalkii Muqdisho laga sameeyay ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka, isagoo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa kuwa dhibaatooyinka ku haya, waayo qof walba xil ayaa ka saaran badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Waxaan uga digayaa ciidamada qalabka sida inaan loo dulqaadan doonin askari hub ku dhexwata magaalada, askarigii aan aragno isagoo qori magaalada ku dhexwata waxaan u qaadanaynaa inuu yahay askari aan shaqo u hayn dowladda," ayuu yiri dhego badan.

Abaanduuluhu wuxuu sheegay in dhammaan hay'adaha, shirkadaha iyo xildhibaannada baarlamaanka ay hubkooda diiwaan-geliyaan, isagoo sheegay in hubkii aan diiwaan-gashanay ay la wareegi doonaan, isagoo xusay in howgalkan uu soconayo tan iyo ammaanka guud ee Muqdisho laga adkeynayo.

Howgalkan ayaa imaanaya iyadoo weli ay Muqdisho ka dhacayaan dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo hoteellada ay beegsanayeen ciidamada ay deggen yihiin xildhibaanno iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/3/2012 5:55 PM EST
Sabti, November 03, 2012(HOL): Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxaa la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar-Kulan iyo Shirkadda maamusho ee Albany kaddib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda dadka u shaqeeya.

11/3/2012 9:26 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku diideen qodobbo ka mid ah dastuurka oo uu ka mid yahay qodob dhigaya in madaxweynuhu uu kala diri karo baarlamaanka Soomaaliya.

11/3/2012 8:53 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay sanad-guuradii 19naad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska Somaliland.

11/3/2012 8:46 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hoggaaminayo danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso.

11/3/2012 8:23 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii sameeyay ismiidaaminta ayaa ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore baar lagu magacabo The Village oo ku yaal inta u dhexeysa isgoyska Zope iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof oo qaar ka mid ah uu firirku ugu tagay gudaha baarka.

11/3/2012 7:35 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Gaadiidka iskaga kala goosha Jabuuti iyo Somaliland, ayaa sheegay inay dhibaato ka soo gaadhay buundo biyo mareen ah oo ka go’day inta u dhexeysa magaaladda Lawyo-Caddo iyo Saylac.

11/3/2012 7:09 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Roobab mahiigaan ah oo ka dagay gobollada Saaxil iyo Togdheer ee Somaliand ayaa waxaa ku barakacay kumannaan qof oo ku noolaa deegaannada ay roobabka ka da'een, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Somaliland.

11/3/2012 3:46 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada xoogga, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in xooggagga Raaskambooni ee ka dagaalamaya gobollada Jubbooyinka ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo inaysan Jubbooyinka joogin ciidan aan ahayn kuwa dowladda.

11/3/2012 3:33 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) —Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Lower Jubba University ee magaalada Kismaayo xaflad qalinjabin ah taasoo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ilaa 27-arday oo ka Qalinjabisay qeybaha waxbarashada Jaamacadda.

11/3/2012 3:27 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay kala baxayso ciidamadeeda nabad ilaalinta ah dalal ay ku jiraan Soomaaliya iyo DR Congo, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay inay taageerto jabhadda M23 ee ka dagaalanta bariga DF Congo. Iyadoo Al-shabaab ay xustay in go'aankan uu fududeynayo dagaalka ay kula jirto AMISOM.

11/3/2012 2:58 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlaamanka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo Sabti ah ayaa waxay xaruntooda Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga hadlayo xeer hoosaadka baarlamaanku uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

11/3/2012 2:56 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen bam-gacmeed xalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda mac-macaanka ee degmada degmada Dharkeynley.

11/3/2012 2:53 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose; iyadoo wafdigan ay soo dhaweeyeen saraakiisha dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan degmada Kismaayo.

11/3/2012 2:51 AM EST
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay illaa lix ruux oo dhalinyarro ah kuwaasoo lagu qabtay iyaga oo sita walxaha qarxa sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.