4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Dowladda Uganda oo mar kale ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya la baxayso iyo Al-shabaab oo ka hadashay
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay kala baxayso ciidamadeeda nabad ilaalinta ah dalal ay ku jiraan Soomaaliya iyo DR Congo, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay inay taageerto jabhadda M23 ee ka dagaalanta bariga DF Congo. Iyadoo Al-shabaab ay xustay in go'aankan uu fududeynayo dagaalka ay kula jirto AMISOM.

Wasiirka ammaanka Uganda, Wilson Mukasa ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid aysan ka laabanayn, balse ay marka hore wafdi heer wasiir ah u dirayaa New York si ay Qaramada Midoobay ugu sharraxaan go'aankoodan.

Ciidamada Uganda ayaa waxay hormuud u yihiin howgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo tirada tahay 17,600 askari, waxayna ciidamada Uganda ka yihiin saddex meelood laba meel.

Guddi ka socda Qaramada Midoobay oo baaris ku sameeyay dagaallada ka socda DR Congo ayaa waxay soo saareen warixin ay soo saareen ku sheegeen in Uganda iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabhadda ka dagaalanta bariga DR Congo taasoo ah midda ugu awoodda badan ee dagaalka kula jirta dowladda dalkaas ka jirta.

"Uganda waxay go'aansatay inay ciidamadeeda kala soo baxdo, Soomaaliya, DR Congo iyo Afrikada dhexe, si ay u xoojiso ammaankeeda gudaha," ayuu yiri Mukasa oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Kampala shalay oo Jimco ahayd.

Wasiirka ammaanka Uganda wuxuu ku dooday inay ku daaleen inay ilaaliyaan mar walba ilaaliyaan nabadda dalalka ay dariska yihiin, balse ay hadda go'aansadeen inay xoojiyaan nabadda dalkooda, intii ay ilaalin lahaayeen nabadda dalal kale.

Afhayeenka milateriga Uganda, Felix Kulayigye ayaa sheegay inay sugayaan amar, haddii amrakasa la siiyana ay ku dhaqaaqi doonaan tallaabada la amray. isagoo ku daray hadalkiisa: "Maalin kuma darsan doono joogitaankeenna Soomaaliya haddii amar nala siiyo.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay dagaal kula jiraan Xarakada Al-shabaab iyagoo ka qabsaday sannadkan oo keliya deegaanno fara badan oo ay ku jiraan magaalooyinka Kismaayo iyo Marko oo ahaa saldhigyo ay Al-shabaab xoog ku lahayd.

Afhayeenka howgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in iyagu ay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan xoogagga AMISOM haddii ay baxdo Uganda iyo haddii ay joogto.

"Haddii Uganda ay baxdo, maxaa haray, tani waxay noo fududeynaysaa inaan sii wadno dagaalka aan kula jirto gaalada. Waana ka adkaan doonnaa," ayuu Sheekh Abuu-Muscab u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xukuumadda Uganda ayaa dhowr jeer ku celisay inay ciidamadeeda qaybta ka ah howgalka AMISOM ay kala baxayso Soomaaliya, haddii go'aankan ay ka dhabeyso Uganda waxay xagal-daaco weyn ku keeni kartaa howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya iyo guulaha milateri ee ay gaareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya