Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlaamanka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo Sabti ah ayaa waxay xaruntooda Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga hadlayo xeer hoosaadka baarlamaanku uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.
Mid ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saari doono laba nuqul oo xeer hoosaadka baarlamaanka ah, kuwaasoo ay soo kala diyaariyeen laba guddi oo horay loogu saaray.
"Ajandaha maanta laga hadlayo waa xeerar hoosaadyada baarlamaanka uu ku shaqeyn doono sannadaha soo socda, waana laba xeer oo mid ka mid ah horay loogu qaybiyay xildhibaannada," ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka oo la hadlay HOL.
Mudanahan ayaa wuxuu sheegay in qodobbada ugu adag ee doodda badan dhalin doona ay ka mid yihiin in xildhlibaanku uu xilka ku wayn karo haddii uu maqnaado laba kulan oo uu baarlamaanku yeelanayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid aad loola yaabo.
Xeerarkan ayuu sheegay xildhibaanku in midkood uu yahay 54 qodob, halka midka kalena uu yahay 83 qodob, taasoo uu sheegay inay dood badan dhalin karo sidii la isku waafajin lahaa labadan xeer ama midkood loo qaadan lahaa.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu horay u ansixiyay xeer miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda saddexda bilood ee soo socota iyo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo laga sugayo inuu soo dhiso xukuumaddiisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
More News
- Baarlamaanka Ingiriiska oo la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar Kulan iyo Shirkadda maamusha
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo diiday qodobbo uu ka mid yahay inuu kala diri karo Madaxweynuhu Baarlamaanka Soomaaliya
- Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay dambiyaddii sanadkan ka dhacay iyo celcelis ahaan saacadii inta dambi ee dhacay
- Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Baar ku Yaalla inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho
- Gaadiidleyda isaga gudba Somaliland iyo Jabuuti oo Qaylo-dhaan ka muujiyey Buundo ay mari jireen oo Burburtay
- Ciidamada Milateriga Somalia oo Muqdisho ka sameeyay howgallo kusoo qab-qabteen Ciidammo hub la dhexmaraya Magaalada
- Kumannaan Qoys oo ku barakacay Roobab daadad wata oo todobadkii hore ka da'ay Gobollo ku yaalla Bariga Somaliland
- Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaaliya oo sheegay in xoogagga Raaskambooni ay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda
- Arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Lower Jubba University ee Magaalada Kismaayo iyo Kuliyad Cusub oo lagu soo Kordhiyay Jaamacadda (SAWIRRO)
- Dowladda Uganda oo mar kale ku hanjabtay inay Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya la baxayso iyo Al-shabaab oo ka hadashay
- Bam-gacmeed xalay lagu weeraray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah
- Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku qabtay Degmada Baladweyne dhallinyaro sitay Waxyaabaha Qaraxa