Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka ay geysteen saddex qof oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo wajiga qarsaday, waxaana degmada uu dilka ka dhacay ay ka mid tahay degmooyinka ay ku xoogan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
"Labada askari waxaa la dilay xilli ay ku socdeen saldhigga booliiska, kooxihii dilka geystayna way baxsadeen," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka daggan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Goobjoogayaal kale ayaa laga soo xigtay in dableyda dilka geystay ay lahaayeen qaabka Al-shabaab, balse lama oga sababta keentay in la dilo askartan, iyadoo uusan maamulka degmada Yaaqshiid ee dowladda KMG ah uusan ka hadlin dilkaas.
Toddobaadyadan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo dad shacab ah iyo askarta dowladda, waxaana dadka la dilo ka mid ah wariyeyaasha, waxaana dilalkan inta badan lagu eedeeyaa Al-shabaab.
Dilalkan ayaa waxay imaanayaan iyadoo caasimadda ay ka socdeen baaritaanno lagu sugayo ammaanka, halka afhayeennada Al-shabaab ay sheegeen inay weli ka dhex dagaalamayaan degmooyinka Muqdisho qaarkood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya