Soomaalida ku nool Minnesota oo isugu yimid kulan xal loogu raadinayo Dhibaatooyinka Xawaaladaha (SAWIRRO)


Isniin, March 05, 2012(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba shaqsiyaad kale oo ka socday ururada bulshada rayidhka, ayaa lagu cambareyaay bangiyada qaarkood oo horey u joojiyey  xiriirka Xawaalada Soomaalida ee Gobalka Minnesoto.

Ugu Horreyntii waxaa munasabadda ka hadlay madaxa ururka Somali Action Alliance Xaashi Shaafi, oo ka war-bixiyay marxaladahii ugu dambeeyey ee ka soo kordhay Xawaladaha Soomaalida ee Gobalka Minnesoto, isagoo sheegay in ay wali taagan tahay baahidii loo qabay in ay dib u shaqeyaan Xawaladuhu, islamar ahaantaasina loo baahan yahay in arintaasi wax laga qabto.

Sidoo kale waxaa Xafladda ka hadlay agaasimaha guud ee  masjidka Abubakar-Alsadiiq Xasan  Dhooye, oo sheegay in ay xiriirro kala duwan la sameyaan Bank-giyada Mareykanka kuwooda ugu waaweyn ee kala ah US-Bank iyo Wellsfargo, weline aysan jirin wax rajo ah oo ay ka hayaan.

“Xawaaladuhu waa isha nololeed ee ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed,  mana doonayno in ay dadkeenu baahi u dhintaan, waxaan u baahannahay in aan taasi ka hortagno, waxaana bangiyada u sheegaynaa in aanan la shaqeyn doonin hadii ay xawaaladaha diidaan, waana ka xiran doonnaa koontooyinka aan ku leenahay,” ayuu yiri Sh. Cabdiraxmaan Sh.Cumar oo ah madaxa golaha iimaamyada waqooyiga Amerika.


Tan-iyo markii Xawaaladaha Soomaalida uu ku wargeliyaay Bank-gii ugu dambeyay ee Franklin-Bank sanadkii tagay in uu kala laabtay Xiriirkii wada shaqeyneyd ee uu la’ lahaa ayaa waxaa xirmay xawaalado dhowr ah oo ka shaqeynayey gobolka Minnesota, halka qaarkoodna ay si gaabis ah ku shaqeynayaan iyagoo adeegsanaya bangiyo yar yar oo aan dabooli karin baahida guud ee lacagaha ay diraan.

“Anigu waxaan waddankaan ku sugnaa muddo dheer, intaasi waxaan caawinayey qoyskeyga aniga oo adeegsanaya xawaalaha, markii aan maqlay in ay xirmeen xawaaladuhu waxaan dareemay culaab aad u badan iyo walaac, mana aqaan dariiq kale oo aan qoyskayga noloshiisaa ku maareyn karo, deyn xitaa waan u sheegay in ay qaataan si aan dib ugu bixiyo,”  ayey tiri Khadro Carraale oo ka mid ahay gabdhihii Soomaaliyeed ee munaasibada ka hadlay.

Karen Clark, oo ka tirsan baarlamaanka gobalka Minnesota, kana qeybgashay munaasibadda ayaa sheegtay in dhawaan u gudbisay baarlamanka deegaanka Minnesoto sharci oranaya xawaaladuhu waa ay diri-karaan lacago la’og yahay meesha ay ku socdaan.

“Waxaan rajo weyn ka qabaa in la iga aqbalo, waxaanse codsanayaa sharcigaas maalinta barlamaanka ay ka tashan donaan oo ah 16-ka bisha May ee Sanadkaan in aad igala soo qeyb-gashaan si aad marqaati uga noqotaan idinkuna,” ayey tiri Karen Clark.


Dadkii goobtaasi ka hadlay oo aad u faro badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Xassan Jaamaci oo ah qareen maaddada sharciga ka dhiga jaamacadda ( William Michel University ), wuxuuna  sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo ay bangiyadu u diidaan in ay la shaqeeyaan xawaladaha, isla mar ahaantaasna uusan jirin sharci ka soo baxay dowladda dhexe oo diidaya la shaqeynta xawaaladaha Soomaalida.

Goobta ayaa waxaa looga dhawaaqay islamar ahaantaasina laga codsaday in Ugu-11-ka bisha May in ay bulshada Soomaalidu ay xiraan guud ahaan koontooyinka ay ku leeyihiin bangiyada diiday in ay la shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida, sidoo kalana ay lacagahooda kala baxaan.

Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa la tilmaamaa in ay sanadkasta dib ugu diraan gudaha dalkooda in ka badan 100 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, waxaana markii ay xirmeen xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota cabsi laga muujiyey nolosha dad badan oo ku tiirsana dhaqaalahaasi oo bil waliba loo soo marin jiray xawaaladaha.



Cabdiraxman D Nur Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesoto