Madaxweynaha Soomaaliya oo ka jawaabay hadal kasoo baxay Dajire Mahiga kana hadlay dagaallada socda

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay dajire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya.

Dajire Mahiga ayaa wareysi uu siiyay shabakad afka Soomaaliga ku hadasha wuxuu ku sheegay in dalka ay afgambi ku qabsadeen koox islaamiyiin ah oo uu Sheekh Shariif ka tirsan yahay, kuwaasoo lagu magacaabo Aala-Sheekh.

"Mahiga haddii uu hadalkaas yiri marada waa ka dhacday mana doonayo inaan intaas u dhaafo," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo koox suxufiyiin ah kula hadlayay deegaanno ku yaalla duleedka waqooyi ee Muqdisho oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Ergayga ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sheegay in kooxdan oo aan hubeysanayn aysan waxba dhaamin Al-shabaab, ayna afgambi ku qabsadeen madaxtooyada, isagoo xusay inay yihiin koox aan hubeysnayn.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dagaallada dalka ka socda ay yihiin kuwo lagu doonayo in dalka oo dhan looga saaro Al-shabaab, isagoo sheegay in dhammaan dagaallada socda uu soo dhaweynayo.

"Howlgallada ay dowladdu ku qabsatay 99% magaalada Muqdisho waa kuwo muddo dheer laga soo shaqeynayay wayna sii socon doonaan," ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in dagaalku uu socon doono inta dalka oo dhan laga saarayo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya