Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ ayaa berri oo Talaado ah safar ku tagayaa Muqdisho si uu u furo xafiiska shirkadda diyaaradaha Turkiga oo billaabaysa duullimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Soomaaliya.
Shirkadda Turkish Airways ayaa waxay horay u sheegtay inay 06-da Maarso oo berri ku beegan ay billaabayso duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagayso Muqdisho laba jeer toddobaad walba iyadoo soo maraysa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Duulimaadyada ay diyaaradda Turkish Airways ku tagayso Soomaaliya laba jeer toddobaad walba ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo caalami ah oo ay diyaarado caalami ah ku tagaan Soomaaliya 20-kii sano ee ay colaaduhu socdeen.
Xukuumadda Ankara ayaa waxay ka billowday Soomaaliya caawinta barakacyaasha bishii Ogoosto ee sannadkii hore, markaasoo ra'iisul wasaaraha Turkiga uu safar ku tagay Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan oo abaarihii dalka ku dhuftay kusoo barakacay.
Hay'adaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah: madaxa hay'adda Turkish Aid & Development Agency (TİKA), hay'adda Association of the World's Doctors, hay'adda Kimse Yok Mu oo dhinacyo badan ka caawisa Soomaalida iyo weliba hay'adda Istanbul Greater Municipality oo dhinaca nadaafadda ka shaqeysa.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa wuxuu Muqdisho wadahadallo kula yeelan doonaa madaxda Soomaalida, isagoo la laaban doona diyaaradda Turkish Airways oo isla habeenka Talaadada ka dhoofaysa Muqdisho.
Wafdiga la socda Mr. Bozdağ ayaa waxaa ka mid ah, saraakiisha hay'adda TİKA, Serdar Çam, wasiirka maareynta musiibooyinka deg-degga ah ee Turkiga, Fuat Oktay iyo madaxa shirkadda Turkish Ariways, Temel Kotil.
Duulimaadyada diyaaradda Turkish Ariways ayaa waxay kasoo duulayaa garoonka diyaaradaha Atatürk Airport ee magaalada Istanbuul, shirkadda Turkish Airways ayaa waxay sameeyaan 189 duulimaad oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo ay ku dhex-sameeyaan dalkooda.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay dhaqaale lacageed oo gaaraya $365 milyan oo doollar ay ku bixisay u gargaaridda barakacayaasha Soomaalida sannadkii hore oo kleliya, iyadoo abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ay dileen 29,000 oo caruur ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya