Kooxo hubeysan oo xalay ku toogtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Suxufi ka howlgeli jiray halkaas

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cali Axmed Cabdi oo 26-jir ahaa kana mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala halkaas, waxaana lagu dilay meel ku dhow gurigiisa.

Marxuumka oo horay u ahaan jiray madaxii barnaamijyada ee Raadiyo Gaalkacyo, ayaa wuxuu hadda u shaqeynayay website Soomaali ah, waxaana kooxaha toogtay wariyaha afar qof oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo wajiga qarsaday isagoo ku dhintay isbitaalka magaalada oo la gaarsiiyay dhaawiciisa.

"Dilka Axmed waxaan maqlay xalay fiidkii, runtiina naxdin badan ayuu igu reebay... kooxihii dilkiisa geystay waxaa la ii sheegay inay baxsadeen," ayuu yiri suxufi ku sugan Baydhabo oo magaciisa u qariyay sababo dhinaca amaankiisa ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka wariyahan, waxaase tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan billowga ah Soomaaliya ka dhigayaa wariyihii saddexaad, iyadoo labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu dilay Muqdisho agaasimayaal idaacadeed.

Suxufigan ayaa waxaa maanta oo Isniin ah lagu aasay magaalada Gaalkacyo, iyadoo tani ay kordhinayso walwalka wariyeyaasha ka howlgalaya Soomaaliya oo dhan, mana jiro hadal kasoo baxay maamulka Puntland oo ka taliya halka lagu dilay wariyaha.

Bishii September ee sannadkii hore ayaa waxaa sidoo kale dhaawac culus loo geystay wariye Xorriyo Cabdulqaadir oo ka tirsanayd shaqaalaha Raadiyo Gaalkacyo waxaana la weeraray xilli ay gurigeeda ku socotay, iyadoo kooxihii dhaawaceeda ka dambeeyay ay u suurogashay inay baxsadaan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu khatarta badan dunida ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta, iyadoo lagu dilay 26-wariye laga soo billaabo sannadkii 2007, iyadoo aanay jirin cid loosoo qabtay dilka wariyeyaashan oo ay maxkamadi xukuntay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya