Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ciidamada isgarabsanaya ee dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa markale la wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose halkaasoo shalay waabarigii ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.
Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo isgarabsanaya islamarkaasina ay caawinayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ay weerar kusoo qaadeen deegaanka, waxaana u suurogashay in ay dib gacantooda ugu soo celiyaan deegaankaasi.
Illaa imika ma cada qasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka, haseyeeshee dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ba'an ka geysteen deegaankaasi, walow aan la ogeyn cida wax ku noqotay duqeyntaasi.
Sarkaal katirsan ururka Raaskaambooni oo magaciisa ka gaabsaday ayaa HOL u sheegay in deegaanka Diif ay haatan ku suganyihiin ciidamadooda, isagoona xusay in xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba ka saareen deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay in dagaal sidaa u weyn uusan deegaanka ka dhicin marka laga reebo duqeymo ay geysanayeen diyaarado nooca dagaalka ah, waxaana ilaa imika la garaneyn halka ay qabteen dagaalyahannada Al-shabaab ee isaga baxay deegaanka Diif.
Xaaladda ayaa haatan ah mid dagan, iyadoona deegaanka Diif ay gacanta ku hayaan ciidmaada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya